Saylici Oo Shalay Gogol U Fidiyay Xisbiyada Mucaaradka, Arrimihii Xaasaasiga Ahaa Ee Laga Wada Hadlay Iyo Doodii Iyo Jawaabtii Labada Dhinac

1
577

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa shalay gogol wad tashi ah u fidiyay xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo lagaga wada hadlay arrimo door ah.

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa Madaxweyne xigeenka ku wehelinayay Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYuntitledE ee muxaafidka ah md. Muuse Biixi Cabdi, dhinaca UDUB iyo UCID waxa iyaguna goob joog ahaa guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah ku simaha guddoomiyaha ee UDUB iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne xigeenka oo sida warku sheegay kulanka furay ayaa xisbiyada u sheegay in ujeedada uu u martiqaaday tahay in wada jir iyo aragti midaysan laga yeesho xaaladaha dalka ku soo kordhay sida arrinta Ceerigaabo ka taagan, barnaamijka ay wataan kooxda la baxday Awdal State, dhibaatada ka soo noqnoqonaysa kililka shannaad ee Somalida Itoobiya iyo arrimo kale oo la xidhiidha xeerarka ku saabsan doorashooyinka. Md. Saylici, wuxuu xisbiyada u sheegay in dalka la wada leeyahay islamarkaana loo baahanyahay in aragti midaysan laga yeesho hadba wixii dalka ku soo kordha.

Warku wuxuu sheegay in guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo halkaas ka hadlay uu Madaxweyne xigeenka ku bogaadiyay gogosha uu fidiyay, waxase uu dhaliilay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo weliba sida ay xukuumadu u waajahdo arrimaha qaarkood. Waxa kale oo uu Madaxweyne xigeenka ka codsaday in dib loo eego xeerka ururada ee ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen oo uu sheegay inay cid gaar ahi samaysatay. Ku simaha guddoomiyaha UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna halkaas ka hadlay ayaa aragtidiisa ka dhiibtay xaaladaha soo kordhay iyo sida loo waajihi karo. Waxaanu aad uga hadlay xeerkaas ay wakiiladu ansixiyeen oo uu tilmaamay inuu ceebo badan leeyahay, waxaanu ku taliyay in qodobada xeerkaas ku jira si gaar ah ay xukuumadu u eegto.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumadda xisbiga KULMIYE tahay mid dalka ku hoggaaminaysa tallo wadaag, waxaanu xisbiyada mucaaradka ka codsaday in waxyaabaha u baahan in weji qaranimo lagu waajaho aan loo kala baydhin.

Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sida warku sheegay u muuqday nin si degen wax u dhagaysanayay islamarkaana aan  ka jawaabayn eedaha iyo doodda mucaaradka uu martiqaaday.

Ugu dambayn, sida uu warku sheegay waxa kulankaas la iskula qaatay in danta guud ee qaranka meel looga soo wada jeesto islamarkaana la isugu yimaado kulamo dambe, waxaanu kulankani ku soo beegmay xilli uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu UDUB iyo UCID ficiltan siyaasadeed ka dhexeeyaa dibadda ku maqanyahay.

Comments are closed.