Ku Digashadii Nacnac, Jawaabtii Waabeeye Iyo Faankii Cali Aareeye

6
682

 

Hargeysa(Geeska)-Saddexda xildhibaan ee Cali Aareeye, Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Maxamed Yuusuf Waabeeye, oo ka wada tirsan golaha wakiilada, ayaa shalay isweydaarsaday hadalo kaftan ah oo la xidhiidha ciyaaraha is reeb reebka ah ee loogu soo baxayo tartanka ciyaaraha gobalada.

untitledXildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo shalay hadal kaftan ah ka jeediyay qado sharaf uu guddoomiyaha Wakiilada ahna guddoomiyaha ururka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi u sameeyay ciyaartoyga afar gobal oo kala ah Oodweyne, Hawd, Selel iyo Saraar, ayaa wuxuu u faanay xildhibaanadii ka soo jeeday gobalada Oodweyne iyo Selel oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye iyo Xildhibaan Cali Aareeye oo madasha fadhiyay. Xildhibaan Nacnac oo daba socday ciyaartii uu gobalka Hawd Salaasadii kaga badiyay gobalka Oodweyne lana hadlaya xildhibaan Waabeeye, wuxuu yidhi, ““Shalay [doraad]  4 iyo hal baan ku carraabiyey Waabeeye.” Waxaanu  u jeedsaday Xildhibaan Cali Aareeye oo ka soo jeeda gobalka Selel oo ay shalay wada ciyaareen gobalka Hawd. “Cali Aareeye isaga waxaan leeyahay waankaaga badinayaa waxaanan kaaga dhigayaa 5 iyo laba.” Ayuu Nacnac yidhi. Gobalka Hawd, ayaa shalay  kaga badiyay gobalka Selel 5-1.

 

Xildhibaan Waabeeye ayaa kaftankii Nacnac ka jawaabay oo yidhi “ Waad ogeyd markii Hawd uu Oodweyne noogu yimid ee aanu sida  caadiga ah isaga hornimid inaan 4 iyo 0 kugu garaacnay Nacnacoow tana maanta waa iska  caadi oo waa ciyaar saaxiibtinimo ayey ahayd.”

Xildhibaan Cali Aareeye oo ah mudane aftahan ah kana jawaabaya hadalka xildhibaan Nacnac, wuxuu isna yidhi “Somalidu waxay tidhaahdaa wadaad lax qashay balooy baydh badanaa. Nacnac haddii uu shalay [Doraad] badiyay wuxuu moodayaa inuu ragga oo dhan ka wada badinayo. Annagu [Selel] maanta waanu kaa badinaynaa kuna yareeyoo ku caraabiya 5-0.”

Si kastaba ha ahaate hadaladaas kaftanka ah ee dhex maray saddexda xildhibaan ayay u sacbiyeen dadkii madasha joogay.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay kulankaas qadada ah ee uu sameeyay, wuxuu ku guubaabiyay ciyaartoyga guud ahaan Somaliland.

Comments are closed.