Fu’aad Aadan Cadde Oo Sharaxay Farqiga U Dhexeeya Xilkiisa Iyo Ergayga Madaxweynaha Ee Gobalada Bari, Kana Hadlay Dagaalkii Cerigabo Iyo Inay SSC Ku Jirtay

0
3818

 

fuad_haji_aden_rural_ministerHargeysa(Geeska)-La taliyaha madaxweynaha ee gobalada bari Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sharaxay farqiga u dhexeeya xilkiisa iyo xilka masuul kale oo la sheego inuu yahay ergayga Madaxweynaha ee gobalada bari.

 

Md. Fu’aad Aaden Cadde, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu beeniyay war uu sheegay inay jaraa’idka qaarkood qoreen oo sheegayay in wada hadaladii Beesha koonfurta Ceerigaabo iyo weftigii xukuumadda uu goob joog ka ahaa xildhibaan ka tirsan dawladda Sheekh Shariif oo magaciisa la yidhaahdo Cali Baashe,

waxaanu Fu’aad sheegay in ninkasi yahay oday ka mid ah bulshada muhiimka ah ee Ceerigaabo islmarkaana ah muwaadin reer Somaliland ah oo aan ka tirsanayn Baarlamaanka Somaliya, kana shaqeeyay nabadda magaaladaas haddana gacan ka gaystay isu soo dhawaynta labada beelood ee Ceerigaabo isku khilaafay,

waxaanu fu’aad yidhi “Qolada koonfurta Cederigaabo shirkii shalayto lala galay si wanaagan ayuu u hadlay ninka la yidhaahdo Cali Baashe waxanu yidhi dadka reer Ceerigaabooy reer Somaliland ayaad tihiin anigaa meel walba soo maray oo meel kale ma tihidin haddii xabad badala Ceerigaabo la keeno afar qaybood haloo gaybiyo ayuu yidhi waana sidii barigii hore lagu heshiiyay.

Jaraa’idka qaara ayaan maanta [shalay] ku arkay waxa shirka ka hadlay nin xildhibaana oo Cali Baashe la yidhaahdo oo xilidhibaan Somaliya ah, ninkaasu Somaliyana maaha, xidhibaana uma aha, waa nin reer Somaliland ah oo halkan xidhiidh la leh baayacmushtari la leh reer Ceerigaabo ah nabada Ceerifgaabo markii horena dajinayay maantana dajiyay.

Warkaas waxaan rabnaa in aaad naga gudbisaan waanu badanahay oo guddidii dhulbahantaan nahay, warkaa jaraa’idku qoreen waa waxa dadka isku diraaya ee anigu waxaan qabaa wax la hubsaday oo la ogyahay in la qoro, jaraa’idkii maanta qoray adeeraw waa been oo waa waa khalad, waxaanu ahayn baa lagu sheegay waa ragga noo madaxdaa ee aan doonaynay aad ayaanan ugu hambalyaynayaa hadalkiisii.”

Hadalkaas ka dib, waxa uu Geeska Afrika Fu’aad Aadan Cadde weydiiyay su’aalo kooban oo sidan u dhacay:

Waa maxay baaqa aad u dirayso reer Ceerigaabo?

Baaqayagu waxa weeye Ceerigabo gurmad kale uma baahna  ee gurmad nabadeed ayay u baahantahay, dadkaas isku nool ee meesha wada daga wax walaaleeya oo sidoodii kadhiga mooyaane wax isku dira looma baahna, dee waxa weeye waar idinkaa dadka iska xiga, kuwa jooga Ceerigaabo kuwa jooga Laasacaanood lama mid aha isku meel weeye nimankaasu iyagaa si gaara uwada dhaqmaaya iyagaa waligood uwada dhaqmaayay iyaga qof iyo qof isku yaqaana faduul in lala galana maaha in ka kacaay la yidhaahdana maaha.

Waxaan u soo jeedinayaa nabad iyo wanaag iyo hanbalyo waxii aad qabateen ee heshiiska iyo nabada aad samayseena waad ku mahadsantahiin, halkaasna kaga sii wada si ka sii wanaagsan ahaada.

Fu’aad dad badan ayaa aaminsan in aanu ammaankii gobalada bari wanaagsanayn muddooyinkan dambe, shirkii Taleex ayaa la hadal hayaa. Adigoo ah la taliyihii Madaxweynaha ee gobalada bari sideed u aragtaa?

Shirku waa kan imika ka socda Taleex markaas lagama hordhici karo, anagu amaandarona ma aragno bariga shishena SSC ma gaadhin Ceerigaabana ma soo gaadhin mana imanayaan cidii sheegtay waxaan u malaynayaa inay isaga tahay.

Kayse  Cabdi oo Hargaysa ku qabtay shir jaraa’id waxa uu sheegay in aanay SSC ka dagaalamin Ceerigaabo, xukumadii  iyo xisbul xaakimkiina ay iyagu dadkii sii didinayaan ayuu ku eedeeyay, idinku ka xukumad ahaan sidaad u aragtaan arintaas?

Walaahi ma jecli in aan arinkaas ka hadlo, lakiin Ceerigaabo nimankaasu ma gaadhin mana gaadhayaan shaqona kuma laha, sida loo buun buuninayana maaha.

Sidaan wada ogsoonahay waxaad tahay Fu’aad la taliyaha madaxweynaa ee gobalada bariga, waxa kale oo jira ergayga gobalada bari, markaas maxaad ku kala duwan tihiin adiga oo la taliye ah iyo ergaygu. Ummadu way fahmi la’adahay farqiga idiin dhexeeya ee bal u sharax?

Magac fiican ayuu la baxay oo ergaygaa qurux badane laakiin la taliyayaal ayaanu wada nahay, anigu gobalada bari ayaan la taliye uga ahay, isaguna qolada bariga Ceerigaabo ayuu madaxweynaa kala taliyaa, markaa isaga waxa loo magacaabay qoladaa anigana saddexda gobal ee bariga.