Saylici Oo Ku Adkaystay Inay Isaga Iyo Siilaanyo Yihiin Murashixiinta Doorashada

0
510

Picture6Hargeysa(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna sida oo kale ku simaha Madaxweynaha Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci) ayaa ka hadlay warar ay muddooyinkii danbe si aada loo hadal hayey ku waasi oo ku saabsanaa in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ka tanaasulay musharaxtinimada Madaxweynenimo ee 2015-ka. Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci) oo ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Arday ka tirsanayd Machadka CSI,ayaa waxaa uu sheegay in aanay wararkaasi ahayn wax sal iyo raad toona leh,isaga oo carabka ku dhuftay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE uga qayb galaya Doorashada Madaxtinimada ee 2015-ka uu yihiin Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylaci. "Waxaa jirtay maalmo dhawayto warar suuqa soo galay oo laga qoray Madaxweynaha ayaa tanaasulay oo ka tanaasulay Musharaxnimadii,wararkaasina wax sal iyo raadtoona leh maaha Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa musharax.Madaxweynaha iyo Aniga oo Madaxweyne ku xigeenka ah ayaa Xisbiga KULMIYE u Musharaxiin ah,sida uu na siinaayo sharciga dalkeena iyo distoorkuba oo markiisa labaad uu nasiinayo,dadkaana ay u taala in ay noogu ceshaan iyo in aanay noogu celin,Laakiin Musharxiintu waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci)"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cadbilaahi Ismaaciil (Saylaci). Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Saylaci waxaa uu sida oo kale uu ugu baaqay Mucaaradku in ay ka digtoonaadaan in ay dhex galaan arrimaha Ciidamada sida gaarka ah u khuseeya iyo sida oo kale arrimaha Amaanka. "Hadday Mucaarad tahay iyo haddii ay Xildhibaan tahayb waxaa lagama maar maan ah in aan la dhex galin arrimaha ciidanka,waayo ninkan Mucaaradka ahi waxaa uu doonayaa goorta ay doontaba ha ahaatee in uu dalkan mar uun uu xukumo,dee dalka uu Xukumi doono in uu sii dumiyo looma baahna dee oo ciidamada iyo arrimaha amaanka la dhex galo cidna laga yeeli maayo taas,waxaanan leeyahay taas halaga feejiknaado"Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md:Cabdiramaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci)