Golaha Guurtida Oo Hakiyay Xeerka Diiwaangelinta

3
557

Picture5Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida Somaliland ayaa si kedis ah u hakiyay xeerka diiwaangelinta madaniga ah oo ay golaha wakiiladu dhawaan ansixiyeen, ka dib markii lagu arkhay khaladaad ku jira.

ShiGudoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in la hakiyey Xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo Diwaangalinta Codbixiyaha.

Shirgudoonka ayaa Fadhigii caadiga ahaa ee golaha waxay ka sheegeen in Go’aanka lagu hakiyey Xeerkan, iyagoo sababta ku sheegay in Xeerkani yahay mid xaasaasi ah islamarkaana lagu arkay waxyaabo badan oo Iskhilaafsan,sidaasi darteedna la hakinayo si wax looga waydiiyo Golaha wakiilada. Gudoomiye xigeenka Golaha Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay in hakinta ay sababtay khaladaad ku jira xeerka oo ay soo gudbiyeen xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee wakiilada iyo guurtida"Maadaama Xeerku yahay Xeer Xaasaasi ah, waxaanu diidaynaa inaanu ku degdegno oo hadhaw hadalo ka yimaadaan,markaas anaga iyo Shir gudoonka wakiilada ayaa isla hubinayna" ayuu yidhi Siciid Jaamac. Arinta Xusida Mudan ayaa ah in Golaha guurtidu saaka galay fasax 45 Maalmood ah, islamarkaana fasax ka dib la lafagurayo qabyada xeerkan lagu arkay iyo sixidiisa. Golaha wakiilada Somaliland ayaa 30-kii bishii hore cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo codbixinta iyadoo 66 mudane oo fadhiga joogay 64 ka mid ahi Ogolaatay ansixintiisa, sidaasna ay ku galeen Fasax lix todobaad ah. Xukumadda ayaa ka hor ansixinta Xeerka sii bilawday Diwaangalinta Madaniga ah, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ba Diwaangalintu ka socotay Magaalada Hargeysa. gudoomiye xigeenka Guurtida ayaa sheegay inaanu garanayn sida ay Sharci ku noqonayso Diwaangalinta socota oo isaga laftiisu uu is diwaangaliyay. Isagoo ka jawaabaya su'aal ahayd sida ay Diwaangalinta Madaniga ah ee socota Sharci u noqonayso waxa uu yidhi " oo Awalba siday sharci ku ahayd!, dee awalba iyadoon xeerkii la ansixin ayaa la waday ee siday Sharci ku ahayd,ma garanayo in Sharci daradaas lagu wadayo ee cida wada waydiiya, anagu xeerarkaas baanu ku shaqo leenahaye"

 

Comments are closed.