Saxo Xumo La Daris Ah Goobaha Lagu sameeyo Muqumadda

0
908

Picture1Sida idiinka muuqata sawirkan aad xaga sare ku aragtaan waxa ay indhahaagu qabanayaan muqumad dul sudhan goob ay aad ay u liidato nadaafadeedu.

Goobtan oo ah fooqa jajabka ee magaaladda Hargeysa waxa lagu shiilaa muqumada oo ugu horayntii inta la saafo hilbka laga samaynaayo la wadhaayo si loo qalajiyo.

Waxa markiiba goobtaas aad ku arkaysaa bulaacad biyaha ka soo qaada gudaha oo dhanka dooxa ku soo shubaysa waxii wasakh ah ee la soo raaciyo,harag iyo seedo kale oo lagu soo tuuray dhanka dooxa, oo muqumadan la saafayna ay dul sudhantahay, sida oo kale waxa buux dhaafiyay meeshan qashin kale oo laga soo qaaday isagana dhanka suuqa.Picture1

Waxa aad magaaladda Hargeysa ku arkaysaa meelaha lagu iibiyo dharka iyo kabaha oo aad nadaafadooda laga shaqeeyay lana dhigay goobo marmar iyo Almuuniyeem si fiican loogu dhisay. Sida oo kale waxa aad arkaysaa guud ahaan cuntooyinka la cuno gaar ahaan hilibka oo dadka ku nool magaaladdu subax kasta ay dabka saartaan oo aan la dhaadayn nadaafad xumada ku gadaaman.

Waxa si guud kuugu muuqanaysa in meesha ay ka maqantahay doorkii hubinta iyo wacyigalin ee fayo-dhawrka, waxa sida oo kale muuqata in dadweynuhu aanu ku baraarugsanayn khatarta caafimaad ee cuntada taala goobahan nadaafadoodu liidataa ay keeni karaan. By Maxamed Taajir