“Isniintii Ayaan Tagay Dhakhtarka, Dhiig Ayaa La Iga Qaaday, Waxa La Igu Yidhi 100% Waad Caafimaad Qabtaa, Wax Daawo Ah Oo Ii Socotaa Ma Jirto”

0
669

Picture8Istanbul(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay inay xaaladiisa caafimaad liidato, ka dib markii shalay si weyn magaalada Muqdisho la isula dhex maray inuu Madaxweyne Xasan ku geeriyooday cisbitaal ku yaala wadanka Turkiga.

Wararkaas oo qaar ka mid ah warbaahinta Internetka ee Somaliya ay markii dambe faafiyeen ayaa waxay sababeen inuu Madaxweynaha Somaliya la hadlo warbaahinta ay dawladiisu maamusho, waxaanu isagoo la hadlayay idaacadda Radio Muqdisho uu sheegay inuu caafimaad qabo.  “Anigu dalka Turkiga booqashada aan ku imid, carruurtayda iyo xaaskayga ayaan soo booqanayay, wax dhib ah oo kale ma jiraan, magaalada Isntanbul ayaan joogaa oo waan fiicanahay, fasaxaygu waa koobnaa waana soo dhammaaday 15 bishan ayaan  dalka dib ugu soo noqonayaa.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliya oo sheegay inuu ka murugooday wararka faafay ee sheegayay inuu geeriyooday,  waxaanu isagoo ka hadlaya cidda warkaas faafisay uu yidhi, “Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab. Waa kooxo dambiilayaal ah oo doonaya inay dalka khalkhal siyaasadeed geliyaan oo ay amni darro ka ridaan, Markii la ii soo sheegay madaxda dawladda waan la hadlay, shacabkana waanigan la hadlaya.”

Wuxuu, Xasan Sheekh Maxamuud, sheegay inuu markii uu tagay wadanka Turkiga uu sameeyay baadhitaan caafimaad, isagoo sheegay inaanu shantii sannadood ee u dambeeyay is baadhin, islamarkaana uu baadhitaanku cadeeyay inuu caafimaad qabo, “Isniintii ayaan tagay Dhakhtarka, dhiig ayaa la iga qaaday, waxa la  igu yidhi 100% ayaad caafimaad qabtaa, safarkaygu safar caafimaad amaba cilaaqaad la leh muu ahayn. Laakiin fursad markii aan helay waan sameeyay baadhitaan. Markaas anigu 100% ayaan caafimaad qabaa, wax xanuun iyo caafimaad darro I haysa iyo daawo ii socotaa ma jirto.”