Saxafiga Caanka Ah Ee Raage Oomaar Oo Ku Biiray Telefishanka ITV News

0
609

 

rageeQatar (Geeska)- Saxafiga caanka ah ee reer Somaliland Raage Omaar, oo hore ula shaqeyn jiray Telefishanada Aljazeera iyo BBC BBC, magaciisuna uu caan noqday dagaalkii Ciraaq, ayaa ku biiray telefishanka  ITV.

 

Raage Omaar, weriyahii hore BBC, oo magac ku helay  xilligii dagaalada Ciraaq, ayaa u noqday weriye khaas ah ITVNews.

Omaar ayaa kaga biiray ITV toddobaadkan telifishanka ku yaal Qatar ee al-Jazeera, oo hore 2006 uga shaqeeyey. Weriyahan Soomaliland u dhashay ayaa magaciisu gaadhay aqal walba xilligii dagaaladii Ciraaq, oo hudheel Baqdaad ku yaal dushiisa uu ka soo warami jiray.

Raage Omaar oo ka hadlaya ku biiritaankiisa ITV ayaa yidhi, "Ku biiritaanka ITV News waxay u tagaan tahay ku soo laabadka shaqadii weriyenimadayda, oo ah halkaan ka bilaabay mihnadayda saxaafada." Isagoo raaciyey, "Si weyn ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biro wakaalad warar sidan oo kale taariikh leh.".

ITV ayaa sheegay inuu masuul ka ahaan doono soo gudbinta warar kala duwan iyo baadhitaano dhamaan dalka Ingiriiska iyo hadii meelo dibedaha looga baahdo.".

Omaar, ayaa hore ugu guulaystay abaalmarinta Bafta BBC ee soo gudbinta wararkii gelitaanka Afgaanistaan, waxuu sidoo kale soo diyaariyey warar baadhitaano u sameeyey al-Jazeera, kuna jireen adoonsiga qarniga 21aad.

Michael Jermey, agaasimaha ITV ayaa sheegay Omaar inuu yahay ka ugu wanagsan weriyeyaasha Telefishanada xilligiisa.".

Ka hor BBC, waxuu la soo shaqeeyey telefishanada Channel 4's Dispatches, Sky News iyo ITV, waxuu sidoo kale qoray laba bug oo kala ah Revolution Day iyo  Being a Muslim in Britain.