Saxaafadda Somaliland Oo Aamusni Ku Xustay Maalinta Xuquuqal Insaanka Adduunka

37
809

Picture3Hargeysa (Geeska) – Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland, ayaa shalay sameeyay Mudaharaad Salmi ah oo kaga cabanayaan Tacadiyada iyo Cabudhinta xukuumadda talada haysa ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hayso, si ay meesha uga saarto Madax-banaanida warbaahinta dalka.

Saxaafadda Somaliland, oo doonaya inay muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibaatada sida joogtada ah xukuumaddu ugu hayso iyo dedaalka ay ku doonayso inay ku baa’biiso hay’adaha Warbaahinta ee sida Madaxa-banaan dadka ugu soo gudbiya xaqiiqada iyo runta dalka taala, ayaa waxay isku soo bax balaadhan ka dhigeen Magaalada Hargeysa, waxayna si asluubeysan afka isaga soo xidheen Maryo cadcad, si ay u muujiyaan in dawladdu doonayso inay afka ka xidho oo ka hor-joogsato baahinta xoriyatul-qowlka aasaasiga ah ee dastuurku Muwaadiniinta u fasaxay.

Dibad-baxan oo saxaafaddu si aamusnaan ah u muujiyeen, ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiinta ururka Saxafiyiint Somaliland ee SOLJA, oo uu ka mid yahay Xoghayaha SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax iyo Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal, Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo dhibbane u ah xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, ka dib markii ay si cad u siidaysay nin askariya oo loo hayey weerar wakhti habeennimo ah lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal, kaasi oo uu dhaawac ka soo gaadhay Mr Caloolay, falkaasi oo ka mdi ah tacadiyada xukuumaddu kula kacayso saxaafadda Madaxa-banaan.

Saxaafadda, oo dibax-baxan ku soo beegtay Maalinta xuquuqda aadamaha oo caalamka lagu xuso 10-ka bisha December, si ay bulshada caalamka u tusaan dhibaatada ay xukuumadda Siilaanyo ku hayso, taasii oo ay ugu dambaysay xadhiga Afar Wariye oo sabab la’aan muddo 7 Maalmood ah loogu hayey saldhiga dhexe ee Hargeysa, kuwaasi oo markii doraad la soo daayey, haddana deegaanka Dacar Budhuq lagu xidhay afar kale, taasi oo markhaati u noqonaysa sida xukuumaddu faraha kulul ugu hayso saxaafadda.

Dhanka kale, dibad-baxa saxaafaddu cabashadooda ku muujiyeen ayaa hadallo ku taageeray masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo iyaguna si gaar gaar ah xukuumadda talada haysa ugu cambaareeyay tacadiyada iyo xadgudubyada ay ku hayso saxaafadda Madaxa-banaan.

 

Comments are closed.