Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Laba Shirkadood Ka Joojiyey Gurista Qashinka Caasimadda

32
730

Picture2Hargeysa (Geeska) – Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa ruqsadihii shaqada kala noqday laba ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya qashin ururrinta caasimadda Somaliland, kuwaasi oo muddo dheer dawladda hoose la shaqeynayey.

Fadhi aan caadi ahayn oo xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa ku yeesheen xaruntooda shalay, waxa ay warbixin kaga dhagaysteen Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose, waxaanu ka dayriyey tayada waxqabad iyo adeeg ee ay qabtaan shirkadaha SABO-WANAAG iyo DHIS oo ruqsad u haystay qashin ururinta degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe iyo 26-ka June, kuwaas oo uu sheegay inay gabeen masuuliyaddii ka saarnayd ururinta qashinka, isagoo mudanayaasha golaha deegaanka ka dalbaday inay go’aan ka gaadhaan labada shirkadood, halka uu ka amaanay

shirkadaha qashinka ka gura degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo Gacan-libaax, kuwaasoo uu sheegay inay xil weyn iska saareen gudashada masuuliyadda hawsha qashin-gurka ee loo xilsaaray, waxaannu golaha ka dalbay in abaal-gud iyo taageero loo fidiyo shirkadahaas.

Warbixinta agaasimaha oo ay wehelinayeen muuqaallo fadhiga lagu daawaday oo muujinaya xaaladda qashinka buux-dhaafiyey inta badan xaafadaha iyo suuqyada caasimadda ka dib, Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo fadhiga guddoominayey, ayaa mudanayaasha ka dalbay inay aaraahdooda ka dhiibtaan sida laga yeelayo shirkadaha madaxa-bannaan ee gacanta ku haya hawsha qashinka, taas oo uu xusay inuu yahay bar madow oo ku taal dhammaan xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa.

Fadhiga oo ay qaybgaleen 21 mudane oo dhammaantood aragtiyahooda ka dhiibtay xaaladda qashinka magaalada, isla markaana farta ku fiiqay baylahda xad-dhaafka ah ee ka muuqata hawshaas, ayaa intooda badan soo jeediyeen in ruqsadaha lagala noqdo shirkadaha DHIS iyo SABAWANAAG oo ay tilmaameen inay ku guuldarraysteen gudashada xilkii ka saarnaa qashin-ururinta caasimadda.

Intaa kadib waxa ay xildhibaannadu cod gacan-taag ah u qaadeen in ruqsadaha lagala noqdo shirkadda SABO-WANAAG oo qaabilsanayd qashin-gurka degmooyinka Axmed-dhagax iyo Maxamuud Haybe iyo shirkadda DHIS oo ka hawgaleysay degmada 26-ka June, waxaana oggolaaday in shirkadahaas shaqada laga joojiyo 19 xildhibaan, hal mudane ayaa diiday, Maayarkuna ma codayn.

 

Comments are closed.