Saxaafadda Oo Cambaaraysay Warar Gef Ah Oo La Faafiyay

1
566

“ Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaaraynaysaa warar iyo xogo siyaabo kala duwan loogu baaahiyey saxaafadda, kuwaasi oo si ka baxsan anshaxa saxaafadda uga hadlayey suxufiyiin ka mid ah bahda warbaahinta.

Wararkaasi iyo xogahaasi waxay meel-kadhac ku ahaayeen sharafta wariyeyaashaasi, waxaanay ka hadlayeen arimo khusuusiyaad ah oo aanay bannaanayn in saxaafaddu ka hadasho.

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waxay ka xun tahay qoridda iyo faaafinta xogaasi, waxay ka raali galainaysaa cid kasta oo ay sharafteeda taabatay. Waxaanay warbaahinta faafisay xasuusinaysaa inay baahinta xogaha noocaasi ahi ay baal marsan yihiin anshaxa saxaafadda iyo dhaqanka suubban ee Islaamka.

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waxay faraysaa cid kasta oo arrimahaasi ku lugleh inay ka waantoobaan tabintoda iyo faafintoodaba.”

ALLAA MAHAD LEH

Guddida Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland

Comments are closed.