Guddiga Xuquqal-insaanka Qaranka Oo Furay Shir Lagu Darsayo Cidhibtirka FGM

0
585

Picture1Hargeysa (Geeska) – Komiishanka Xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland oo gacan dhaqaale ka helaya hay’adda Caalamiga ah ee CARITAS, ayaa Magaalada Hargeysa ka furay shir abuuraya fahanka guud ee gudniinka Fircooniga ah, si looga cidhib tiro guud ahaan Somaliland.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen 50 xubnood oo kala socday guud ahaan Gobollada Somaliland iyo Gabiley, siiba ururrrada iyo hay’adaha horumarinta bulshada, ayaa waxa uu soconayaa laba maalmood ah, waxaana mudada uu socdo ka qayb-galayaasha lagu fahamsiin doonaa khatarta gudniinka fircooniga ah, iyaga oo markaa ka dibna si hufan uga doodi doona talaabooyinka iyo qorshayaasha ugu mudan ee lagu suulin karo gudniinka sharci darada ah ee Fircooniga.

Shirkan oo ay furitaankiisii ka qayb-galeen Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha qoyska iyo Caafimaadka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo Marwo Nimco Xuseen Qawdhan isla-markaana ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iisaanka Qaranka Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur iyo Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee CARITAS ee Somaliland Marwo Nuura Cabdilaahi.

Guddoomiyaha komiishanka xuquuqal iisaanka Qaranka Fadxiya Xuseen Axmed (Jaahuur) oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay ujeedada shirka waxayna tidhi “Shirkan waxaynu u qabanay sidii loo soo afjari lahaa tacadiyada ka dhanka ah ee hablaha yar yar ee Somaliland, tacadigaana isku sheegi mayno ee in badan ayaa tababaro laga qabtay gudniinka Fircooniga ah, dad baana xaqqoodii lagu xad-gudbay oo jidhkoodii la jarjaray, arintan waa qadiyad u baahan inaynu in badan ka hadallo, arintana waxay soo gaadhay xiligii aynu soo afjaranaynay, waxaana loo baahan yahay inaynu ka fogaano, maadaama oo ay tahay wax shareecada ka hor imanaya, kana hor imanaysa xuquuqda qofka”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Gudniinka fircooniga ah in badan ayaynu soo wadnay, waxaynu ognahay in dhibaatada inanta la gaadhsiiyo markay 8 jirka tahay ay godka la gasho, waxaynu ognahay inaanu ahayn wax diinta Islaamku ina fartay”

Wasiir ku xigeenku waxay intaasi ku dartay in loo baahan yahay shuruuc lagaga hor tago gudniinkan sharci darada ah “Waxaynu u baahanahay inaynu helo shuruucdii lagu joojinayey oo xeerkii lagu xakamaynayey uu ka soo baxo golaha Baarlamaanka, haddii arintu soo dhaaftay wacyigalintii, mida kale waxaan rejaynayaa in shirkan uu ka soo baxo wax midho dhalaa”ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.

Madaxa Somaliland ee hay’adda Caalamiga ah ee CARITAS, Marwo Nuura Cabdilaahi, oo halkaasi ka hadashay ayaa iyaduna tidhi “Annagu qaybtayadii ahayd inaanu taageero Maaliyadeed siino waanagaa fulinay, ujeedada ugu weyna waa in la iska kaashado dhibaatada (Gudniinka Fircooniga ah) haddii ay dawladda tahay, haddii ay hay’adaha caalamiga ah tahay, ururrada bulshada iyo Madax-dhaqameedka, haddii kale waxba kama suuroobayaan, shirkana waxaan ku dhiirigalinayaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan wax midho dhala, waana guul aynu wada gaadhno in xeer ilaaliyaha guud yidhaahdo madax-dhaqameedka u hadla qof wax kufsaday isagana waala xidhayaa”

Shirkan oo maanta baaq laga soo saari doona isla-markaana furitaankiisa ay ka hadleen Madax-dhaqameed iyo culimo bulshada ugu baaqay in laga waantoobo gudniinka fircooniga ah ee dhibaatada ku haya dumarka yar iyo weynba, ayaa waxa furtay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, waxayna tidhi “Gudniinka Fircooniga ah ee hablaha lagu sameeyo ee sharci darada aha ee aan diinta waafaqsanayn ee dhaqanka inagu raagay ah, muddo badan ayaynu ka hadlaynay, guusha kaliya ee laga gaadhayna waa in si furan looga wada hadlo, laakiin arinta ina hor taalaa waa joojintiisa iyo sidii looga gudbi lahaa, waxayna u baahan tahay in aanay Siminaaro ku koobnaan ee bulshada la gaadhsiiyo, haddii aan bulshada lagala hadalna waxay noqonaysaa dhibaato sii jirta”

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo ay intaasi ku dartay “Arintani waa arin dhibaato weyn inagu haysa haddii laga eego dhanka arimaha bulshada, caafimaadka iyp khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah, dhibaato caafimaad wuu keenaa, laakiin waa arin bulsho, sababta loo doonayo in bulshada ka qayb-qaadatana waa sidaa, waxaana loo baahan in arintan bulshadu go’aan ka gaadho oo aynu dalkeena ka horeyno oo aynu dadkeena ka saarno dhibaatada.”ayay tidhi.