Xujeyda Sannadkan Oo Ka Walaacsan Xanuunka MERS

1
570

Picture1Makka (Geeska) – Cudurka MERS oo ka dhashay dalka Sucuudiga iyo qaar ka mid ah waddamada Khaliijka ayaa sanadkan waxaa si weyn uga wel-welsan Malaayiinta Xujeyda ah ee sanadkan booqanaya dhulka Barakeysan si ay u gutaan Xajka.

Cudurka MERS ayaa ah mid si fudud dadka isugu gudbi kara oo la mid ah Fayraska Hargabka keena, balse cudurkan ayaa ah mid halis ah oo keeni kara in Kilyuhu joogsadaan ama dhiig yari.

Todobaadkan ayaa labo qof oo dheeraad ah u dhinteen cudurkan MERS oo aan weli ka bixin dalkaasi Sucuudiga, wallow ay dowlada Sucuudiga si weyn ugu dadaashay helida dadka cudurkan uu ku dhaco oo inta badan lagu garto Xumad xoogan oo qofka qabata.

Wasaarada Caafimaadka ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay inay baadheyso dhammaan dadka Xujayda ah ee imaanaya dalkooda, wallow cabsida weyn ee ay qabaan Xujayda oo iyaguna ka wel welaya inay dalka Sucuudiga ka qaadaan cudurkan halista ah oo ay dib ulla noqdaan wadamadii ay ka yimaadeen.

Dowlada Sucuudiga ayaa ka hor Xajka hore u shaacisay in xujada imaan karaan dalkooda oo cudurka MERS baadhitaan lagu sameeyey la sheegay inuu ka baxay dalkaasi, walow ay dhimashada labada qof ee todobaadkan wel-wel laga muujiyey.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay inay isha ku heyn doonto caafimaadka dadka xujayda ah sanadkan Xajka uu imaaneysa oo tiradooda hoos loo dhigay maadaama dhismo uu ku socdo Masjidka Xaramka.

Xujayda ayaa lagula talinayaa inay hadii ay isku arkaa Hargab aad u culus ama Xumad  inay goobaha caafimaadka tagaan.

Comments are closed.