Saxaafada Somaliland Oo Shalay Farriimo Culus U Dirtay Xukuumadda Somaliland

0
405

Picture2Hargeysa (Geeska) – Ururka Saxaafada Somaliland ee SOLJA, ayaa shalay Magaalada Hargeysa ku qabtay Munaasibad lagu xusay Maalinta saxaafadda Adduunka, taasi oo sanad walba la xuso 3-da bisha May.

Munaasibada Maalinta Caalamiga ah ee saxaafadda adduunka, ayaa lagu qabtay Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii wasaarada arimaha gudaha Somaliland saxaafadda u diiday inay socod ay ku waynaynayaan Maalinta ku maraan jidka hor mara aqalka Madaxtoyada isla-markaana ay ciidamada sida gaarka ah ee u tababaran ee RRU iyoSPU soo dhoobtay hareeraha jidkaasi iyo weliba meelaha gaarka ah ee saxaafaddu ku kulanto.

Xaflada lagu qabtay huteelka Guuleed, ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiinta kala duwan ee ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA, xubno saxaafadda ah oo ka kala socday hay’addaha Warbaahinta ee ka dhisan dalka, Xoghayaha guud ee xisbiga talada Somaliland ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Dalada SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil iyo xubno kale oo matalayey ururrada saxaafada ee dalka ka jira.

Munaasibadan oo ay ka hadleen masuuliyiin door ah, ayaa waxa si weyn loogu Cambaareeyay weerar laba toddobaad ka hor lagu qaaday xarunta Wargeyska Madaxa-banaan ee HUBAAL, isla-markaana lagu dhaawacay agaasimaha Wargeyskaasi Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), waxaana falkaasi lagu tilmaamay mid arxan daro ah oo tilmaan u ah in cabudhinta saxaafadda iyo la dagaalanka xriyatulka-qawlku meel sare ka gaadhay Somaliland intii ay talada haysay xukuumadda xisbiga Kullmiye, iyadda oo haddana xukuumadda Kulmiye lagu tilmaamay ta kaliya ee ka faa’idey saxaafadda, sida uu qabbo Guddoomiye ku xigeenka SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay “Duruufta dalkeena ka jirta ayaaa keentay inaanu xuska waynayno, Kulmiye cid xoriyatul-qawlka uga faa’iido badani ma jirto” ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey in saxaafaddu aanay ahayn mid mushkilad uun wada sida xukuumaddu u aragto, balse ay faa’iido badan leedahay “Saxaafaddu maaha wax dhibaato uun sida, laakiin waxbarasho iyo faa’iido ayay shacabka u leedahay”

Guddoomiyaha dalada SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si gaar ah shiishka u saaray weerarkii lagu qaaday Hubaal, waxaanu tilmaamay in falkaasi ahaa kii ugu foosha xumaa ee uu u soo joogo mudadii uu saxaafada ku jirey “15 sanadood in ka badan, ayaa saxaafadda ku soo jiray, dhacdooyin badan ayaan u soo joogay, laakiin maan arag fal ka fool xun kii Hubaal lagula kacay” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONSAF oo sidoo kalena muddo dheer ka mid ahaa bahda saxaafadda Somaliland.

Xasan Siciid Yuusuf, oo ahaa saxaafigii ugu xadhiga badnaa Somaliland, balse hadda ah Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaan balan-qaadayaa inaan Cadaadis kasta oo saxaafadda ka hor yimaada dagaalkeeda ka qayb-qaato”

Munaasibadan oo ay kalmado ka soo jeediyeen Wariyayaasha kala ah Khadar Maxamed Cakule, Maxamed Cabdi Ilig, Sagal Cabdiraxmaan oo ka socotay ururka WIJA iyo Nimco Maxamuud Ciise oo ku hadlaysay Magaca hay’adda Free press oo saxaafadda tababaro siisa, ayaa waxa soo khatimay oo ka hadlay Guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu cambaareeyay talaabada Wasaarada arimaha guduhu ku diiday in saxaafaddu socod ku marto aqalka Madaxtooyada hortiisa, waxaanu sidoo kale mid mid u soo qaaday tacadiyada xukuumaddu kula kacdo saxaafadda oo uu sheegay inay gaadhay heer ah in masuuliyiinta SOLJA guryahooda la hor dhigo ciidamo boolis ah, si aanay hawlahooda saxaafadeed u gudan “Waxaanu ka xunahay waxaanu saaka (shalay) kala kulanay xukuumadda, waxaanu laba maalmood u gudbinay wasaarada arimaha gudaha warqad aanu kaga codsanayno inaanu samayno socod yar oo gaaban oo aanu boodhadh qaadano oo aanu ku xusno Maalinta saxaaafadda Adduunka ( oo aanu Baar Hargeysa ka dhaqdhaqaaqno oo aanu ku gaadhno xarunta Gobolka), markii hore lanooma diidin, laakiin saaka (shalay subax) ciidamo ayaa nagu waaberiistay,boodhadhkii aanu Magaalada ku dhajinay oo dhana waala jarjaray (Goo’gooyey), ciidamo SPU ah ayaa meel walba lanoo dhigay, xitaa Madbacadii wax noo daabacaysay ayaa loo hanjabay, loo caga-jugleeyay oo la handaday, xitaa guryahayaga ayaa ciidan la horgeeyay, Somalidu waxay tidhaahdaa “Layligu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka didaa”, anagu hub ma qaadano oo waxayagu waa qalin iyo af, markaa in cadaadis ilaa xadkaasi ah in lana saaro xad gudub weyn ayaanu u aragnaa” ayuu yidhi waxaanu  intaa ku daray “Somalidu waxay tidhaahdaa “ilko dhiigle maxaa lagu aaminayaa”, kuwa la wareeray ee dhaawaca intaasi leegi ka taagan yahay u malayn maayo inay saxaafada ilaalinayaan, markii hore waxaanu deba taagnayn ciddii Axmed Zaakin (Wariyihii Laascaanood lagu dilay sanadkii hore) oo guddida fulinta SOLJA ka mid ahaa, imikana Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo guddida fulinta SOLJA ku jira ayaa la weeraray, anigu uma argot in hay’ad warbaahineed la wareeraray, laakiin weerar ku socda ururrada saxaafada ee Somaliland ka jira”

Guddoomiyaha SOLJA, waxa kale oo uu soo qaaday “Xukuumadda waxaan u sheegayaa inaanu is-difaacayno oo aanay dagnaan dambe nagu helaynin, waxaanu leenayay KOLNA TAAGTIIN, KOLNA TAMARTIIN, cabudhin dambe oo jiraysaana ma jirto, inta dadku uuman yahay xoriyatul-qowlka saxaafaddu wuu jirayaa, walaahi-baanaan aamusayn oo aanaan daynayn (shaqada saxaafada) sida dadka indhaha loogu jeexo maanaan baran, inta aanu baranay waa intan, inaanu ku shaqeysanana xaqbaanu u leenahay, cidna u daba fadhiisan mayno”