Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya

0
537

Picture4Addis Ababa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Siilaanyo, oo shalay soo gaadhay magaalada Addis Ababa, isagoo ka soo kicitimay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa waxa la sheegay inay Raysalwasaaraha Itoobiya ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Waa kulankii u horeeyay ee rasmi ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo la yeesho Raysalwasaare Hailemriam tan iyo intii kal hore geeriyooday Raysalwasarihii hore Meles Zenawi.