Madaxweyne-xigeenka Oo Xafladaha 18 May Kaga Qayb Galaya Magaalada London

0
570

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa la filayaa inuu u socdaalo dalka Ingiriiska, marka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dalka dib ugu soo laabto.

Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne xigeen Saylici, uu jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska kala qayb geli doono sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, waxaanu dadweynaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska oo abaabulayo munaasibado balaadhan uu u jeedin doonaa khudbad.

Waxa la filayaa inay madaxweyne xigeenka safarkiisa ku weheliyaan xubno wasiiro ah iyo saraakiil kale oo ka tirsan aqalka madaxtooyada.