Sawir Ay Gabadh Ka Mid Ah Shaqaalaha Diyaaraddii Masar Ee Dhacday Soo Dhigtay Facebook Oo Loo Arkay Saadaalin Mucjiso Ah

0
614

1Qaahira (Geeska)- Qaddarka Alle ayaa isku beegay dhicista diyaaraddii Masar ee Khamiistii dorraad 19ka May la waayey iyo sawir saadaalin loo arkayey oo gabadh u dhalatay dalka Masar oo ka mid ahayd shaqaalaha diyaaraddu soo dhigtay barta ay ku leedahay Facebook.

Sawirkan oo qof kasta oo eega ku abuuraya dareen naxdini aanay ka madhnayn, marka uu qisada diyaaraddan og yahayna macne gaar ah samaynaya ayaa ah gabadhan oo sidata shandadeedii safarka oo badda dhexdeeda socota, lugaha iyo shandadda qayb ahaanna biyaha badda ay dhex socotaa qariyeen, dhabarkeeda dambana laga arkayo sawirka burbur diyaaradeed.

Samiira Cissuddiin, waxa ay ka mid ahayd shaqaalaha (Adeegtooyinka) diyaaraddaas Masar ee burburtay, oo dhammaan dadkii saarnaa dhinteen, tan iyo markii ay shirkadda diyaaradaha Masar shaqadan ka bilowdayna, sida dadka ka ag dhowaa sheegeen waxa ay qabtay dareen cabsiyeed oo ahaa in dhimashadeedii soo dhowaatay.

In kasta oo sawirka hadda la arkayo ay Samiira boggeeda ku faafisay 26kii Sabtembar 2014kii, laba sano kadibna uu dhacay shilkan ay ku dhimatay, haddana dad badan ayaa arrintani isugu xidhantahay oo u arka in Samiira ay qabtay dareenka ah in diyaaraddani ay dhimanayso, kaas oo lagu tilmaami karo garab-salaax geerida maanta dhacday baalka uga sii qaadaysay.

Samiira bishii May ee isla sannadkaas 2014ka ayaa ay shaqada ka bilowday shirkaddan duulimaadka kadib markii ay ka tagtay shaqo ay ka haysay shirkadda rarka waaweyn ee dalka Masar.