General Jidhif Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay U Diyaar Garoobaan Inay Dalkooda Ka Difaacaan Somaliya

0
569

Picture5

Hargeysa(Geeska)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland general Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif),ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland diyaar u ahaato dagaal ay la gasho Somaliya, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha Somaliya uu colaad iyo dagaalo ka hurinayo gudaha Somaliland, isla markaana uu dabada ka riixayo Puntland iyo maleeshiyaadka Khaatumo, waxaanu sheegay in cid waxa ka qaadi karta Somaliland aanay jirin, oo uu diyaar u yahay inuu dalkiisa difaaco.

Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan Cabdilllaahi  (Jidhif),ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey Khudbadi Madaxweynaha Somaliland ee uu fariinta ugu diray Somaliya, waxaanu iftiimiyey in dawladii Somaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Siyaad Bare ay rideen, oo cid wax ka qaadi karta aanay jirin.

Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan Cabdillaahi  (Jidhif),oo wareysi siiyey HCTV, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadaly baaqii ka soo yeedhay Qaramada Midoobay ee ahaa inay Somaliland ka baxdo qaar  ka mid ah Gobolada dalka, waxaanu sheegay in Somaliland aanay xadkeedii ka gudbin, oo la wada og yahay xadka iyo xuduuda u dhexeeysa Somaliland iyo Somaliya, “Anagu waxa aan leenahay waxa aanu dagaal la galnay Somaliya, kaligii taliyihii barigaas jiray ee Maxamed Siyaad Bare, dagaalkaasina uu dhammaaday, cid aanu colaad u haynaana ma jirto, boqol kun ilaa saddex boqol oo kun ayaa nagaga dhintay Dagaalkaas, waxa aan Maanta aad uga xumahay in hub la soo celiyo, dagaalkii la soo celiyo, dagaalkaas cawaaqibka ka imanaya waxa masuul ka ah Xasan Sheekh, oo hadda abaabulaya inuu Somaliland dhexdeeda uu Dagaal ka bilaabo, arinkaasina waxa suurtagal ah maaha, wax aanu yeelaynana maaha, Dawladda Somaliland waxa aan kula talinaya inay isku diyaariso inay la dagaalanto Somaliya”.

Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland mar uu ka hadlayey sida uu arko baaqii ka soo yeedhay Qaramada Midoobay ee ahaa inay Somaliland ka baxdo qaar Gobolada Sool iyo Sanaag waxa uu yidhi “Somaliland 26/6/1960 ayey Dawlad noqotay, Ingiriiska ayey ka madax banaantay, Ingiriiska iyo Talyaaniguna sohdin ayey lahaayeen, anagu xadkaygii maamu dhaafin, cidna ma gardarsanayno, haddii dhibaatada la sii wado wey sii xumaanaysa, anagu waxa aanu leenahay laba dal oo walaalo ah, oo Somali ah aynu noqono, ayaan ku talin lahaa, haddii se aad bilawdaan, rabshadaha aad imika soo wadaan, oo aad Khaatumo soo hawl galisaan, Puntland soo hawl galisaan, arinkaasi waxa uu noqonaya in Xamar lagu dagaalamo oo la iskugu yimaado”.

Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Jidhif ayaa isaga oo ka hadlaya sida  uu arko Khudbadii Madaxweynaha ee ku saabsanaa Somaliya waxa uu yidhi “Khudbadaasi halkeedii ayey martay, Madaxweynuhu uu ku mahadsan yahay, anaga ayaanu isku kaaya tirinayaa, anaga ayaa difaaca u diyaar ah, anaga ayaa Somaliland badbaadinayna, haddii nala soo gardaraysto anaga ayaa  difaacayna Wadankayga Somaliland”