La-Haystayaal Jimcahii Laga Afduubay Dhadhaab Oo Shalay La Soo Furtay

0
615

la haystaaalNayrobi, (Geeska)- hawlgal ay wadajir u fuliyeen ciidamada TFG iyo Kenya ayaa la sheegay inay lagu soo furtay afar shaqaalaha gargaarka ka tirsanaa una shaqeynayey hay’ada NRC oo jimcahii hore laga afduubay xerada qaxootiga Dhadhaab.

Afartan Shaqaale ee la soo badbaadiyey ayaa magacyadooda lagu sheegay Qurat-Ul-Ain Sadazi, Steven Dennis, Glenn Costes iyo Astrid SehlFour oo dhamanatood u shaqqeynayey NRC ayaa la soo gaadhsiiyey magaalada Nayroobi iyagoo bed-qaba, sida wararka ku saabsan dhacdadaasi xaqiijiyeen.

"Aab baan ugu faraxsanahay in afartii shaqaalaheena ka tirsanaa iyagoo bed-qaba lagu soo celiyo Kenya. Maanta waxay noo tahay guul annaga iyo qoysaskii dadka la afduubay,” ayey sheegtay Elisabeth Rasmusson, xoghayaha guud ee hay’ada Norwegian Refugee Council.

"Waan ku farxsanahay inaan badbaadnay, sidoo kalena xaaladii qalafsanayd dhamaatay,” ayuu u sheegay Sadazai, oo shaqaalahii la soo badbaadiyey ka mid ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada TFG ee gobolka Jubada Hoose ayaa u xaqiijiyey SomaliReport inay ku guulaysteen ka soo badbaadinta la haystayaashan tuulada Cali Guray oo 40km galbeedka ka xigta degmada Dhooblay, isagoo raaciyey in afduubayaashii oo afar ahaa mid dhintay saddexdii kalena nolol ku hayaan.

Nayrobi, (Geeska)- hawlgal ay wadajir u fuliyeen ciidamada TFG iyo Kenya ayaa la sheegay inay lagu soo furtay afar shaqaalaha gargaarka ka tirsanaa una shaqeynayey hay’ada NRC oo jimcahii hore laga afduubay xerada qaxootiga Dhadhaab.