Hargeysa (Geeska ) Masuuliyiinta iyo Hawl Wadeenada Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa shalay si mug leh ugu qayb qaatay maalinta Qaran ee Ole-laha Nadaafada dalka. Hawl wadeenada Wasaarada duulista iyo shaqaalaha Madaarka Cigaal ayaa waxa saaka hogaaminayey Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ay Wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi iyo Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf, ayaa waxay nadiifiyeen Wadada Madaarka tagta.
Shaqaalahani ayaa xashiish badan ka guray wadaaasi hawl bawlaha ah, iyadoo Qashinka qaar la saaray gaadiid halka qaarna la gubay, hawl wadeenada Wasaarada duulista oo ay ka muuqatay dardar iyo abaabul xoogan ayaa nadiifiyey dhamaan dhulkii loo qoondeeyey.
Wasiirka Wasaarada duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo qayb ka ahaa Ole-lahaas, isla markaana gacantiisa ku gurayey qashinka ayaa saxaafadda u sharaxay hawlsha ay qabteen ka Wasaarad ahaan waxaanu yidhi “Hawshan nadaafada ee saaku waxay ka mid tahay masuuliyadaha kala duwan ee aanu qaranka u hayno, mar waxa laga shaqaynayaa xafiisyada, mar waxa laga shaqaynayaa Garoomada, mar waxaa laga shaqaynayaa nadaafada jidadka kala duwan, nadaafadu waa aas-aaska nolosha binu Aadanka,”
Sidaa darteed bulsho waliba inay nadaafada xil iska saarto waa waajib saaran, iyada oo aynu taa uga gol leenahay in aynu maanta u astayno maalinta nadaafada Somaliland, oo xiligan waliba ay muhiim tahay wakhtiga roobabku soo began yihiin, Xukuumad iyo shacabi iyo dawladba dhamaanteen waxaa la qorsheeyay in lays kaashado, oo magaalooyinka laga shaqeeyo oo la nadiifiyo, sidaa darteed anaga waxaa nagu soo hagaagtay Wadada madaarka Caasimada tagta, gaar ahaan kaalinta Star ilaa madaarka Cigaal, oo aanu hada shaqada ka wadno ka Wasaarad ahaan, dhamaan waan u hambalyeynayaa Shaqaalaha Wasaaradda Duulista sida fiican ee ay shaqada u wadaan, waxaan leeyahay halkaa ka wada. “ Runtii xukuumadu qorshe balaadhan ayey wadaa oo ah kor u qaadida bilicda Caasimada, Madaxweynuhu Guddi Qaran ayuu u saaray, Xukuumada dhexe iyo Golaha deegaanka oo Duqa Caasimaduna ku jiraan, qorshaha lawadaa waxaanu aaminsanahay inuu fuli doono, waxaa loo baahanyahay shacbigu inuu xil iska saaro nadaafada, waxaa loo baahan yahay golaha deegaanka iyo maayarkuba in ay dadaalaan, waxaa loo baahanyahay in aynu gacmaha is qabsano oo dhulkeena qurxisano.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland.
Sidoo kale waxa halkaa isna ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, waxaanu yidhi “ waxaa hawshan ka qayb qaadanya Laba Boqol iyo Afartan 240 Shaqaale ah oo Wasaaradda Duulista ka socda iyo laamaha kale ee Madaarka ka shaqeeya, runtiina aad ayaanu ugu faraxsanahay Madaarkii Caasimada iyo Madaaradii kale ee Dalkaba waanu qurxinay, saaka waanu ka shaqaynay Wadadii madaarka tagaysay, qofka ajahnabka ahi marka uu soo dego madaarkii oo qurx badan ee uu dibada uga soo baxo waxa uu arkaa uskag iyo baco badan, bacahana waxay u bixiyeen dadkan reer galbeedka ah ee inoo yimaadaa waa Faraaliwlkii Hargaysa, markaa runtii maanta in madaarkii iyo magaaladii Isu’ekaadaan ayaa la rabaa, guud ahaana dalka arin muhiim ah weeye jidkanina waa jidka ay maraan dadka madaarka ka soo degaa Markaa waa quruxda madaarka.”