Sariibaddii Dhakhtarka: Sheekada Saddex Arday Oo Shaqo Abuurtay

0
921

Qaahira (Geeska)- Xilli ay dunida ku sii badanayso shaqo la’aanta iyo korodhka dhalinyarada waxbaranaysa oo aan shaqo ku filan loo helayn, ayaa waxaa warbaahinta iyo guud ahaan dadka ay khusayso arrimahani si gaar ah u eegaan dhalinyarada waxbarata ee ku dadaala in aanay shaqo abuur ka sugin dawladda ama shaqaalaysiin raadin, balse iyagu ku dadaala in ay shaqo sameeyaan oo nafahooda iyo xitaa dad kalaba shaqo u abuuraan.

Warbixintan oo ay shabakadda wararka ee Aljasiira ka diyaarisay dalka Masar waxa aynu ku eegaynaa saddex hablood oo waxbarasho dhakhtanimo xoolaad ah dhammaystay oo abuuray ganacsi si dadban xidhiidh ula leh shaqadooda laakiin laga yaabo in aanay ku soo dhicin maskaxda dadka badankooda ama u arkaan shaqo hoose.

Aayah Ismaaciil, Limyaa’ Cabdanaasir iyo Amiira Ibraahiim oo sannadkii hore ka qalinjebisay kuliyadda caafimaadka xoolaha ayaa iyaga oo ku labbisan shaadhadhka ay dhakhaatiirtu caanka ku yihiin, gacantana ku sita mindida hilibka lagu jarjaro waxa subax kasta u soo shaqotagaan meherad hilibka iibisa oo ay dhowaan ku shuraakoobeen.

Markii ay waxbarashada dhammaysteen, ee ay dhowr shaqo oo waqti gaaban ah qabteen, ayaa ay saddexdan saaxiib go’aansadeen in ay iskood shaqo u abuurtaan, laba bilood ka hor ayaana ay hilible noociisu dalka ku cusub yahay ka furteen magaalada Bani Suweyf oo dhinaca koonfureed ka xigta Qaahira.

Meheraddani waxa ay markiiba hilibleyaashii hore kaga duwanaatay xikmadda ku duugan magaca ay u bixiyeen oo ah, “Sariibaddii dhakhtarka” waxa aanu noqday ganacsi cidhiidhi geliyey ganacsatadii hore ugu jirtay ganacsiga hilibka oo rag u badnaa, waayo ruux kastaa waxa uu ku qancay in meheraddan cidda iibinaysaa tahay cid garanaysa caafimaadka hilibka iyo xoolaha isla markaana anshaxa dhakhtarnimo farayo in ay dhowrto caafimaadka macmiilka, waana taas farriinta runta ah ee ay uga jeedeen magaca ay u bixiyeen ganacsigoodan.

Waa arrin ku cusub deegaanka in la arko dad aqoon jaamacadeed leh oo weliba dumar ah oo mindi inta ay gacanta ku sitaan soo taagan miis hilbo saaran yihiin si ay u iibiyaan, waana sababta keentay in dad badani ay ujeedo ilaaqi aanay ka madhnayn meheraddan wax uga iibsadaan.

Si kastaba ha ahaato ee sababaha ugu badan ee ay meheraddani macaamiisha aadka u badan ku kasbatay ayaa waxaa ka mid ah; Aqoontooda oo ay dadku ku aaminayaan in ay iska hubinayaan neefka ay hilibkiisa iibinayaan marka dambana ilaalinayaan nadaafadda iyo fayodhowrk hilibka si aanu caafimaadka dadka u waxyeellayn. Tallaagadaha hilibka ay ku haynayaan oo ah kuwo dabka/korontada si fiican loo siinayo, waxaa intaas ka sii fiicanba hablahan oo caado ka dhigtay in neefka ay hilibkiisa iibinayaan marka hore caafimaadkiisa eegaan, kadib goobjoog u ahaadaan gawraciisa, habla loo jarjarayo iyo in si halbeegga caafimaadka waafaqsan loo soo raro marka meheradda la keenayo. Qiimaha ay ku iibinayaan hilibka oo aan waxba kaga duwanayn hiliblayaasha kale ayaa isaguna ka mid ah sababaha. Waxaa iyaguna xusid mudan, adeegyo ay hablahani soo kordhiyeen oo ay ka mid tahay in ay samaysteen lambar talefan oo qofka hilib badan ka qaadanayaa uu ka soo dalbanayo, kadibna gurigiisa loogu geynayo hilibka.

Waxa kale oo xiise gaar ah leh, hablahan oo sameeyey hab ay macmiilka ku barayaan xaddiga nafaqo ee ku jirta hadba inta uu iibsado, kalooriska, dufanka, sida looga faa’idayn karo, khataraha caafimaad ee ku jiri kara, iyo talooyin guud oo la xidhiidha nafaqada iyo ka faa’idaysiga cuntada, taas oo qoraal ahaan iyo hadal ahaanba qofka loogu sheegayo.

Hablahani iyaga oo waxbarashadooda ka faa’idaynaya waxa kale oo ay dadka barayaan sida ugu habboon ee hilibkan loo keydin karo inta aan la karin iyo sida looga ilaalin karo jeermis iyo bakteeriya ku dhalata.

Qoysaskoodu bilowgii waa ay ka biyodiideen

Qoysaska ay halbahani ka dhasheen bilowgii hore waa ay liqi kari waayeen in ay arkaan hablihii ay ku tabceen, muddada dheerna waxbarashadooda la soo kifaaxayeen oo hilib iibinaya. ‘Dr. Amiira Ibraahiim oo saddexda hablood ka mid ah ayaa sheegtay in aanu qoyskoodu qancin illaa uu mashruucan ganacsi midho dhal noqday’

Si kastaba ha ahaato e’ Lamyaa’ Cabdanaasir oo u warrantay Aljasiira ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee marka hore shaqadan ku fikirkeeda ku kalliftay ay ahayd shaqo la’aanta iyo fursadaha shaqada oo aad u yar. Waxa aanay sheegtay in mashruucoodani in kasta oo meheraddoodu macaamiil aad u badan heshay, haddana in weli aanay faa’iidadu gaadhin heerkii ay rabeen, maadaama oo ay meheraddu weli cusub tahay. Waxa se ay sheegtay in ifafaalaha muuqdaa uu yahay in ay faa’iido badan ka samayn doonaan. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in ganacsiga ay hablahani abuureen aanu noqon mid kelidood u faa’ideeya, balse waxa uu shaqo abuur u noqday dhowr qof oo kale oo weliba rag u badan oo meheradda hawlaheeda kala duwan ka helay shaqo.