Dharka Cidhiidhiga Ah, Dawooyinka Antibiotics Iyo Sigaar Nuugistu Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Caafimaadka Maskaxda

0
1513

Hargeysa (Geeska)- Jidhka aadamaha waa ku dul nool dulinno iyo bakteeriya aad u tiro badan oo la aaminsan yahay in ay faa’ido caafiamad u ledahay, laakiin waxaa ku dhex jira kuwo khatar ku ah caafimaadka. Dr. Majdi Badraan oo ah bare-sare oo cilmiga cudurrada xaasiyadda iyo xanuunnada abbaara hab-dhiska difaaca ka dhiga mid ka mid ah cisbitaallada jaamacadeed ee dalka Masar ayaa shabakadda wararka ee Alcarabiya u faahfaahiyey bakteeriyada dilaaga ah ee mararka qaarkood jidhka aadamaha ku dul noolaata, taas oo uu ku tilmaamay mid aad u khiyaamo badan oo awood u leh in ay hadba qaab cusub qaadato si ay uga dhuumato cadowgeeda.

Dhakhtarku waxa uu sheegay in bakteeriyadani meelaha ay ku nooshahay ay ka mid yihiin sanka, afka iyo caloosha, gaar ahaan oogada xuubka xabka ah ee sanka, xuubka afka gudihiisa iyo hunguriga, iyo caloosha. Dr. Majdi waxa uu si gaar ah u tilmaamay mid ka mid ah dulinnadan oo lagu magacaabo ‘Kandida’ kaas oo uu sheegay in uu ka dhasho isticmaalka badan ee dawooyinka Jeermisdilaha ah (Antibiotic), marka muddo dheer la isticmaala sababta in ay dhintaan bakteeriyada saaxiibka ah oo ah ta waxtarka u leh caloosha, waxa aana fursad hela bakteeriyada ay hortaagnayd marka hore ee ‘Kandida’ oo si dhaqso ah u kora una tarma. Waxa kale oo sababa adeegsiga dawooyinka uurka lagaga hortago, dawooyinka xoojiya habdhiska difaaca, nafaqadarrada, xanuunka macaanka, sigaar nuugsita, dharka cidhiidhiga ah oo aad loo xidho, mariidka / sunta oo beerka ku ururta, xanuunnada beerka ku dhaca, gubashada iyo ilkaha samayska ah.

Dr. Majdi waxa uu sheegay in Bakteeriyadani ay keento habdhiska difaaca oo daciifa, qanjo xanuun, xanuunnada kelyaha iyo kaadihaysta ku dhaca, beer xanuunka, lafo xanuunka, muruqyada oo bukooda, xanuunnada kalagoysyada, habdhiska neerfeyaasha iyo xuubka caloosha, waxa aana ka dhasha xaalado caafimaad oo khatar ku ah nolosha qofka.

Ugu dambayntii bakteeriyada Candida waxa ay sumaysaa oo caabuq ay ku keentaa habdhiska neerfaha waxa aanay yaraysaa waxsoosaarka dareenwadeyaasha warisgaadhsiinta u ah maskaxda iyo qaybaha kale ee jidhka, gaar ahaan kuwa lagu magacaabo Serotonin, Dopamine iyo acetylocholine. Waxa aana ka dhalanaya in ay dhaawacanto awooddii maskaxdu u lahayd u fiirsiga, degenaanshiyaha iyo in maskaxdu xogta ay hesho si sax ah u socodsiiyo / fahamto marka ay shaqooyinkaasi meesha ka baxaanan waxaa isbedel ku yimaaddaa dabeecadda, waxaa qofka lagu arkaa daal, niyadjab, qulub iyo warwar, waxa kale oo lagu arkaa dabeecad xumo iyo booddo, shaki iyo illow badan.