Sannadka cusub ee 2013 oo Somaliland Ugu Curanaya Buuq Siyaasia iyo qabyaaladii oo xoogaysatay

0
731

Hargeysa(Geeska)-Sannadka cusub ee 2013, oo ay curashadiisa maalmo koobani ka hadhsanyihiin, ayaa u muuqda inuu yahay sannad Somaliland ugu bilanaya buuq iyo qaylo badan oo la xidhiidha doorashadii goleyaasha deegaanada ee dalka ka qabsoomay 28 November.

Sannadkan 2013, marka loo eego sannadihii hore wuxuu la kowsanayaa tafaraaruq badan oo shacabka reer Somaliland ku dhex jira, waxaana kala fogaanshahaas loo tirinayaa doorashadii goleyaasha deegaanada oo noqotay mid soo noolaysay qabyaaladii iyo tartankii beelaha dhexdooda oo sannadihii hore u muuqatay inay suushay.

“Alle ha inooga dhigo sannad khayr qaba, laakiin marka la barbar dhigo 13-kii sannadood ee u dambeeyay waa sannadkii u horeeyay ee daf ina soo yidhaahda inagoo aad u kala qaybsan. Sannadkan aynu gelbinayno ee 2012, isna inkastoo uu xaggii hore ka wanaagsanaa, haddana wuxuu inagu sagootiyayaa buuq. Waxase aan rajaynayaa in bisha u horaysa ee sannadka cusub aynu ka soo kabano kala qaybsanaanta.” Sidaas waxa yidhi Ilyaas Axmed Jaamac oo ka mid ah dhallinyarada magaalada Hargeysa.

Inkastoo natiijadii doorashada iyo weliba saddexda xisbi qaran ee dalka si rasmi ah loogu dhawaaqay, haddana xanafteedii ayaa u muuqata mid aan si fudud ku dhammaan doonin, waxaana inta badan ee bulshada dhex taala kala qaybsanaan iyo yooyootan badan. Tusaale ahaan inkastoo magaalooyinka badankooda lagu guulaystay in la xaliyo, haddana ka dib natiijadii doorashada waxa uu buuq badani ka dhashay doorashadii maayarada, waxaanay qaylada ugu badani ka soo yeedhay magaalooyinka Ceerigaabo, Berbera iyo Saylac oo la sheego inay xukuumadu farogelin ku haysay. Tusaale ahaan maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, wuxuu eedaymo u jeediyay wasiiro xukuumadda ka tirsan oo uu sheegay inay farogelin ku hayaan golaha deegaanka degmada. Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa isna ku eedeeyay xukuumadda inay faraha kula jirto golaha deegaanka degmada Berbera. Odayaasha degmada Saylac, ayaa iyaguna xukuumadda ku eedeeyay ismari-waa ka taagan magaalada Saylac iyo doorashadeedii maayarka. Waxaanay khilaafyadani sababeen in bulshada gobaladaas ku nool ay si weyn ugu kala fogaadaan siyaasadda, taas oo sabab u noqotay in khilaafkii beelaha iyo qabyaaladu soo noolaato.

Waxyaabaha sida weyn u soo toosiyay qabyaaladii huruday waxa ka mid ah loolan la aaminsanyahay inay madaxtooyadu lugta kula jirtay oo lagu doonayay inuu maayar xigeenka magaalada Berbera noqdo xildhibaan ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, kaas oo markii lagu duuldaraystay la aaminsanyahay inuu sababay in xilka laga qaado badhasaabkii gobalka Saaxil. Eeddan oo si is daba joog ah ugu soo noq-noqotay warbaahinta maxaliga ah, weli madaxtooyadu kamay jawaabin.

Waxa kale oo ka mid ah eesha ay doorashadii deegaanadu sababtay bahda suugaanleyda oo ku kala baydhay xaaladda dalka, waxaana jira abwaano sameeyay heeso ay ku dhaliilayaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, kuwaas oo mid ka mid ah la saaray cod iyo iyo laxan. Sidoo kale Abwaano kale ayaa iyaguna soo saaray heeso ay ku ammaanayaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyagoo qaarkood saaray laxan iyo cod. Laakiin waxyaabaha ku cusub bahda suugaanta dhexdeeda waxa ka mid ah iyagoo heesahood ku saleeyay dareen qabyaaladeed, taas oo iyana muujinaysa koboca ku  yimid qabyaaladda oo ah cudur aafeeyay bulsho badan.

Si kastaba ha ahaate khilaafyadan bulshada ka dhex oogan iyo qabyaaladan xoogaysatay waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo uu xilka qaranka hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana madaxweynaha looga baahanyahay inuu awoodiisa isugu geeyo sidii uu bulshada uga dhex saari lahaa tafaraaruqa ku yimid oo haddii uu intan ka sii xoogaysto sababi kara intay danta guud lunto.  Si uu Madaxweynuhu ugu guulaysto inuu bulshada ka dhex saaro eeshii ay doorashadu reebtay, waxa muhiim ah in madaxtooyada iyo xukuumadiisu hormuud ka noqdaan sidii bulshada loo walaalayn lahaa islamarkaana looga dheeraan lahaa siyaasad ku dhisan qaybi oo xukun oo ah siyaasadda aafaysay qaaradda Afrika, bulshadana waxa la gudboon inay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogaynaya.