Xoghayaha Abaabulka UCID Oo Bogaadiyay Taageerayasha Xisbigooda

0
528

 

ucidHargeysa(Geeska)-Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga UCID Md. Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar-yare), ayaa hambalyo iyo bogaadin ku waajahan guusha UCID ka gaadhay doorashadii deegaanka u diray, taageerayasha xisbiga UCID, isagoo farriimo u diray ururada siyaasadeed ee aan ku soo bixin xisbiyada.
 
Yaasiin Cumar-yare, oo xalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika ee Hargeysa, wuxuu yidhi “Anigoo ah xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga UCID ee heer qaran, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga UCID oo aan ku bogaadinayo guusha laxaadka leh ee ay ka soo hooyeen doorashadii goleyaasha deegaanada ee dalka ka qabsoontay 28 November, 2012. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa murashixiintii xisbiga uga qayb galay doorashadii deegaanka.”
Yaasiin, wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dambeeyay doorashada, “Waxa aan tacsi u dirayaa taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ay rabshadihii doorashada ka dambeeyay kaga geeriyoodeen saddex ruux, waxa kale oo aan Alle uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo dadka kale ee ku dhaawacmay rabshadaha.”
Isagoo la hadlaya ururada siyaasadeed, wuxuu yidhi “Ururadii siyaasadeed ee aan u soo gudbin xisbinimo, waxaan ugu baaqayaa gacmo furan, waxaanan leeyahay natiijadaas ka raaca danteena guud, haddii aanu UCID nahayna waxaanu idinku soo dhawaynaynaa qalbi furan iyo xisbi la wada leeyahay.”
Ugu dambayn, isagoo shacabka Somaliland la hadlaya, wuxuu yidhi  “Waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa isku duubni iyo wada jir si ay uga dhabeeyaan yoolkooda ah inay noqdaan qaran buuxa oo dunida ictiraaf caalami ah ka hela.”