“Sannadka 2016 Wuxuu Noqonayaa Sannadkii Ciyaaraha” Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha

0
788

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa waxa uu ka waramay martiqaad ay isaga iyo Wasiirka Ciyaaruhu ka heleen Wadanka Jabuuti, waxaanu sheegay in martiqaadkani ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo horumarka dhinaca Ciyaaraha ee labada wadan.

wwwwwwwwwwwwwww

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa isaga oo u waramay wargeyska ciyaaraha khaaska u ah ee Geeska Afrika Ciyaaraha,  waxa uu sidoo kale ka hadlay marxalada Ciyaareed ee dalka, qorshahooda ku waajahan Tartanka koobka Gobolada iyo Tartanka Horyaalada, waxa kale oo uu ka war bixiyey kulan ay dhawaan Wasaaraddu qabatay oo ku saabsanaa horumarka Ciyaaraha, qorshahooda ku waajahan Sannadka 2016 iyo hawlaha kala duwan ee Xidhiidhada Ciyaaraha, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Marti qaad ayaanu ka helnay dawladda Jabuuti, gaar ahaan Wasaaraddeeda Ciyaaraha iyo xidhiidhadeeda kala duwan, halkan ayey noogu yimaadeen oo arimo badan ayaan ka wada hadalnay, ayaa iyana waxa ay jeclaysteen in aanu halkaas ugu tagno, markaas waxa aanu runtii ugu tagnaynaa in aanu kala qayb qaadano hawlo halkaas ka jira, isla markaana aanu gaadhsiino codsi Somaliland ka socda, oo ah in labada dal ka wada shaqayaan arimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, madaama ay Jabuuti tahay dal aqoonsi haysta oo ay fursad u haysto inay tagto fagaarayaasha Caalamka inay runtii gacan inaga siiso sidii inagu dal ahaan u bandhigi lahayn fursadaheena, waxa kale oo aanu doonaynaa inay inaga caawiso dhinaca Tababarada iyo iskaashiga, inagu runtii waxa jira waxyaabo badan oo aanu halkan kala qaban karno, oo dhalinyarada reer Jabuuti halkan ka sameeyan karto, ama aynu ka caawin karno, iyaguna waxa ay doonayaan aanu kala hadalno sidii la isku weydaarsan lahaa fursadahaas meelna la iskula dhigi lahaa ayaa ujeedada socdaalkaygu yahay iyo in tayada xidhiidhada kor loo qaado”.

Agaasimaha Ciyaaraha ayaa mar uu ka hadlaayey caawimada ay Jabuuti u fidisay Somaliland  ayaa yidhi “Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha oo ah dadka fiilka farsamada ciyaaraha ku jira oo u baahan aqoon badan oo aanu anagu runtii dadaal badan aanu ugu jirno aad ayaan ugu mahadnaqaynaa dawladda Jabuuti Tababarka ay siisay, gaar ahaan xidhiidhka kubada cagta oo isagu si weyn oo misaan leh inoogu yimid, imikana waxa aan rajaynaynaa in aanu is weydaarsano xogo kale, oo waxa ay inoo balan qaadeen inay wax inagala qabtaan dhinaca farsamada, inay sii wadaan Tababarada in wixii qalab iyo agab ah ay inaga caawiyaan iyo inay inagala shaqayaan sidii aynu ugu qayb gali lahayn tartamada caalamiga ah iyo inay doonayaan in Caruurta Jabuuti halkan yimaadaan oo ay ku ciyaaran kuna tababartaan”. 

Dhinaca kale waxa uu Agaasimaha Ciyaaruhu sheegay in haddii ALLE  idmo Sannadka 2016 in qorshahoodu yahay sidii ay u qaban lahaayeen wareegii labaad ee Tartanka koobka Gobolada, sidii ay u qaban lahaayeen Tartamadii Horyaalada kooxaha heerka kowaad, heerka labaad iyo heerka saddexaad ee kubada cagta ee Caasimadda, iyo wali sidii ay u kobcin lahaayeen Ciyaaraha dalka horumarna ugu sameeyn lahaayeen xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaraha, waxaanu tilmaamay in kulankii ay dhawaan ku yeesheen Maansoor uu ku saabsanaa sidii loo kobcin lahaa Ciyaaraha dalka, isla markaana ay la kulmeen Hay’addo, Ganacsato iyo bahda Ciyaaraha, iyada oo dadkii kala duwanaa ee kulankaas ka soo qayb galay ay halkaas ka balan qaadeen inay iyana qaybtooda ka qaadan doonaan kobcinta iyo horumarka ciyaaraha, wixi looga baahdana ay bixin doonaan, iyada oo Xukuumadduna balanqaaday inay bixin doonto qaybta ugu muhiimsan, waxaanu Agaasimuhu sheegay in kulankaasi uu ku soo dhammaaday guul rajo weyna uu qabo, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu sheegay inay sheegtay inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonto dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu tilmaamay Agaasimuhu inay Wasiiraddu sheegtay in wixii kharash ee Ciyaaraha ku baxaya ee looga baahdo inay Xukuumaddu diyaar u tahay inay bixiso.

Agaasimuhu waxa kale oo uu fariin u diray Madaxda Kooxaha . Agaasimuhu isaga oo fariin u diraya masuuliyiinta kooxaha sida kooxaha  heerka kowaad, heerka labaad iyo heerka saddexaad  ee Somaliland ka dhisan ayaa waxa uu ugu baaqay inay isku diyaarinayaan tartamada kala duwan ee Wasaaradda Ciyaaruhu qabanayso Sannadka 2016-ka, waxaanu sheegay inay Wasaaraddu Ciyaaruhu tartamo kala duwan ay ka qaban doonto Gobolada kala duwan ee dalka, waxaanu tilmaamay Ciyaaraha la ciyaari doono nooca ay yihiin, sida Koobka Gobolada, Goobka Horyaalada kooxaha kala duwan, koobka Degmooyinka,  Tartamada  Iskuulada iyo sidoo kale tartamada Kubada kooxaha koleyga iyo Ciyaaraha fudud.