Goorma Ayaa La Qabanayaa Wareega Labaad Ee Tartanka Ciyaaraha Gobalada Somaliland?

0
747

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa madaxtooyada u gudbisay wakhtiga ay ugu tallo gashay in la qabto wareega labaad ee tartanka ciyaaraha gobalada oo hakad galay, ka dib markii uu wareegii koowaad ku dhammaaday gobalada Awdal iyo Togdheer.

wwwwwwwwwwwwwwwwww

Wargeyska Geeska Afrika Ciyaaraha oo ah toddobaadle soo baxa Isniinta kasta, ayaa cadadkiisii shalay qoray in wasaaradda ciyaaruhu u gudbisay in tartanku qabsoomo 10-ka bisha labaad ee sannadka 2016 ee bilaabmaya. Warku wuxuu sheegay in wasaaradu go’aankan gaadhay ka dib markii ay madaxtooyadu ka codsatay inay sheegto wakhtiga lagu qaban karo tartankaas labaad ee ciyaaraha gobalada Somaliland.

Si kastaba ha ahaate wasaaradda ciyaaraha ayaa madaxtooyada ka filaysa in la dhammaystiro wax kasta oo qabyo ah inta ka horaysa  (10/02/2016), oo ah wakhtiga ay ugu tallo galeen inay ciyaaruhu ku qabsoomaan.