Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Dalka Ku Soo Noqday

0
732

Hargeysa (Geeska)-Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay Kadib safar shaqo oo uu mudo ugu Maqnaa Waddamada Ethopia iyo Sweden.

ddd

Maayirka Caasimada oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport. Waxa madaaarka kaga hortagay dadweyne faro badan oo reer Hargeysa ah oo uu hor kacayo Maayir ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Cagawayne, Xoghayaha Fulinta dawlada Hoose Ibraahim Axmed Raabi, Xildhibaanada golaha deegaanka, Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Salaadiin iyo Dadweyne tiro badan.

Maayir ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Cagawayne oo qolka nasahada garoonka kula hadlay markii uu maayir soo degay ayaa faahfaahiyay ujeedada safarka u maayirku kaga maqnaa dalka isagoo islamarkaana sheegay in ay si wayn ugu faraxsanyihiin inay maanta soo dhaweeyaan maayirkii caasimada Somaliland.

“Maanta waxaanu madaarka Hargeysa kusoo dhaweynaynaa Maayirkii caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hawl gal balaadhan oo waxqabadle dalka Ethopia ilaa iyo Yurub oo Stockholm ah, guulaha uu maayirku safarkiisa kasoo hooyay oo ah qaar taariikhiya, aad iyo aadna aanu ugu faraxnay waxaa kamid ahaa inuu maayirku soo mataaneeyay Magaalooyinka Hargeysa iyo Stockholm, waanu kusoo dhaweynaynaa maayir anigoo ah Kusimahaagii, Xoghayahii dawlada hoose, xildhibaanadii , salaadiintii, saxaafadii iyo dadwaynihii caasimada”ayuu yidhi Maayir ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne.

Intaas ka dib Maayarka Caasimadda Hargeysa  Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa sheegay inuu ku maqnaa safarka shaqo oo muhiiim u leh bulshada caasimada iyo gobolada ee dalka isagoo dadwaynaha ugu bushaareeyay in todobaado gudahood ay la kulmi doonaan wax-qabad ay ku farxaan.

Ugu horeyn Maayarka Caasimadda oo dadweynihii iskugu yimid iyo masuuliyiintii dawladda hoose u mahad naqaya waxa uu yidhi “ Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad dalkii dib ugu soo laabto .waxan u mahadnaqayaa dhamaan Salaadiintii, Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo dad weynaha sida diiran igu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland Ee Hargeysa, waxan leeyahay waad ku mahadsantiin sida fiican ee aad isoo dhawayseen”

Mar kale isagoo ka warbixinaya ujeedaddii safarkiisa waxa uu yidhi “Waxaan ku maqnaa safar laba waddan ah oo kala ah Ethopia iyo Sweden gaar ahaan Stockholm iskugu jira, Ethopia waxaanu u tagnay inaanu soo dhameystiro Saxeex iyo qalabkii aanu diyaarinayay inaanu soo dhameytirno intii ka dhinayd, iyo qorshe shan sanadood ah oo anaga iyo Ethopia iyo Djabuti wax kala iibsanayso aan soo dhameyno, dadka caasimada Hargeysa iyo Dadwaynaha kale ee Dalku waxay arki  todobaadkan ama laba todobaad kadib waxay ku farxaan.Safarkayga waxaan usii dhaafay Dalka Sweden oo aan laba hawlood u tagay laakiinse Saddex hawlood ay iisoo dhamaadeen, takowaad waxay ahayd hay’adda sanadkiiba isku keentay jaaliyadaha dalkaasi Sweden degan ee wax qabsaday sidii wadankoodana wax ugu tari lahaayeen, waana dadkii lacag halkaasi ku yeeshay ama aqoon yeeshay sidii wadankooda wax uga qaban lahaayeen ayey iskugu keenta,taas oo la inagu casuuumay,  qodobka labaadna waxay ahayd inaanu soo dhamayno heshiishkii Hargeysa iyo Sweden ee ahaa mataanaynta labada magaalo sidii isku caawin lahaayeen, waad garan karta wadan Yurub ku yaala oo horumarsan iyo wadan dunidda sadexaad ku yaalla ka mataaneynta ka faa’iidaya, heshiishkaasna inaga ka faa’iideyna oo tobabaro iyo aqoon ka korodhsanayna, magaaladda Hargeysina way ka faa’iiddi doonta heshiishkaasi, waxna waa sir waxna waa la sheegi kara, marka heshiish qiimo badan ayaanu soo wada galnay, hawsha koowaad ee la isla qaatay waa in la sameeyo qorshaha Hargeysa (Mastar plane) la diyaariyo oo dadkii ka shaqayn lahaana la soo xulay, ta sadexaadna waa in wixii qalab ee Stokholm ka caawin karto Hargeysa ka caawiso, ta sadexaad ee noo soo dhamaatay waa Dugsigii Dhimirka wax lagu baranayey oo ay wadeen jaaliyadeenna taas oo aanu aad ugu mahadnaqayno jaaliyadda hawshaasi isku xil saartay oo anaguna gacan weyn siinay”

Gabagabadii waxaa maayirka Caasimadu uu  salaan la dhexmaray dadweyne tiro badan oo ku sugnaa Albaabka Hore ee Madaarka dadweynahaasi oo  markii dambe maayirka usoo galbiyey gudaha magaalada Hargeysa

Dhinaca kale, waxa uu isla markiiba kormeer ku tagay degmada Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe oo ay ka socoto ololaha cashuur ururinta ay dawladda hoose ka waddo, isagoo dadweynaha iyo maamulka dawladda hoosana ku hambalyey siday hawsha u wadaan.

Intaas ka dibna wuxuu cisbitaalka ku booqday gudoomiye degmadda Gacan libaax oo cisbitaalka biyo dhacay dhacay yaallay, waxaanu ilaahay u baryey inuu caafimaad sareecana siiyo.