Sanduuq Jiir Nool Ah Ayey Ku Sii Deysay Guriga Gabadh Ay Uga Shakiday In Ay Ninkeeda Xidhiidh La Leedahay

0
553

Picture12Philadelphia (Geeska)- Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in gabadh u dhalatay dalkaasi ay si dhuumasho ah u jabisay daaqadda guri ku yaalla koonfurta magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania, kadibna ay daaqadda ka so otuurtay sanduuq furan oo ay ka buuxaan jirar nooca midabkoodu caddaanka yahay.

Booliiska ayaa sheegay in sababta gabadhan falka ku kalliftay ay ahayd hinaase, kadib markii ay ka shakiday in gabadh gurigan ku noolayd ay tartan adag ugula jirto nin ay aad u jeceshay. Haweenay lagu magacaabo Christine O'Brien oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa mar ay warbaahintu wax ka weydiisay dareenkeeda arrintan la xidhiidha waxa ay ku gaabsatay, “Waa qasab in aan qiro, in arrintani ay tahay tii nooceeda inoogu horreysay”

Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee Reuters oo uu Geeska Afrika soo xigtay, booliiska Maraykanku waxa ay sheegeen in gabadhan caashaqu hayey ee hinaasiyadda ah iyo siddeed dumar ah oo kale oo sita ulo ay jebiyeen muraayadda daaqadda gurigan,  kadibna ay guriga gudihiisa ku tureen jiirkan, waqtigaas oo ahaa habeennimadii maalinta arbacada ee toddobaadkii ina dhaafay. Warkan booliisku waxa uu hoosta ka xariiqay in falkan yimi, kadib loollan adag oo labadan dumar ahi muddo ugu jireen hanashada qalbiga ninkan. Intaas kuma ay hadhin kooxda weerarka ahayd oo aad ugu dadaalayey in ay is qariyaan, balse waxa ay qabteen gabadhan ay ninka uga baqayeen oo da’deeda 30 jir lagu sheegay, kadib inta ay garaaceen ayaa ay xoog kaga qaadeen shandad yar oo ay ugu jireen waraaqihii aqoonsiga iyo lacag dhan 200 oo doolarka Maraykanka ah, laakiin nasiib wanaag gabadhan intii la garaacayey waxaa u suurtogashay in ay garato wejiga mid ka mid ah dumarkan oo markii ay garaaceen isku dayey in ay gaadhi ku baxsadaan, taas oo fududaysay in booliisku ay soo qabtaan, markii ay u sheegtay.