SANAAG: Meydka Macdan-qode Uu God Ku Dumay Oo La Soo Saaray, Muddo 35 Saacadood Ka Dib Ah

0
568

Badhan (Geeska) – Saacado badan kadib, waxa lagu guulaystay in la soo saaro Meydka Alle ha u naxariistee Macdan-qodihii uu godka macdanta ee deegaanka Milxo ku dumay ee Gobolka Sanaag ku dumay.

Alle ha u naxariistee, Maxamed Siciid Cali oo godku ku dumay xili isaga iyo Xubno kale ay macdan ka qodanayeen god ku yaalla buuralayda Milxo ee degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa isaga oo Meyd ah laga soo saaray godka, kadib 35 saacadood oo la waday dadaalo lagu doonayey in lagu samato-bixiyo.

Godkan oo guntiisu hoos u qodnayd 40 mitir, ayaan isla-markiiba lagu guulaysan in lagu dhaadhaco.

Sida goob-joogeyaashu sheegeena subaxdii hore ee Jimcaha ayuu mar kale dumay Godku, taasi oo keentay in 20 mitir oo godka ka mid ahi aasmaan.

Sida ay baahisay Mareegta Hiiraan Online, Dadka deegaanka ayaa sheegay in aanay helin haba yaraatee wax gurmad dowladeed ah, taasina ay keentay in ay tamar u waayaan in Maxamed si dhakhso ah lagu samata bixiyo.

Wiilka ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in laga soo saaro godka, laakiin nasiib-daro nolol laguma gaadhin, oo meydkiisa oo burbur ka muuqdo ayaa la soo saaray

Geeska.net/Hargeisa Office