“Culimada Maalin Walba Mimbarka Inoo Saaran, Inay Xuska Nebiga Muhmal geliyaan Uma Fiicna..” Saylic

0
606

Hargeysa (Geeska) – Guud ahaan Gobollada Iyo degmooyinka Somaliland, waxa looga dabbaal-degay Xuska Dhalashada Nebigeena Muxamed (CSW).

Xuskan oo sannad kasta la qabto 12-ka bisha Rabiicul-awal ee Hijriga, ayaa lagaga warramay siirada Nebiga, ahmiyadda ay leedahay raacidda iyo ku dhaqanka Sunihiisa.

Hargeysa oo ka mid ah Magaalooyinka lagu qabtay Xusaska ugu waaweyn, ayaa waxa Shalay mid ka mid ah ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay in loo baahan yahay Culimo iyo Caamo ay u midoobaan Xuska iyo Jacaylka Nebigeena Muxamed (CSW).

Madaxweyne ku-xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Inta Meelahaa ka hadasha ee Xuskan ka maqan ama fikrad khalad ah ka qaadatay In la xuso Nebiga, waxaan leeyahay ka soo noqda (fikirkaas khaldan) oo aynu Jacaylka iyo Xuska Nebigeena u midowno.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu farriin u diray Madax lagu casuumay Xuska guud ee dhalashada Nebiga ee ka qabsoomay Hoteelka Guuleed iyo Culimada dalka, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda Xuskan “Walaalahayga laga yaabo inay fikrado khaldani is tuseen, Culimada waxa laga yaabaa haddii nin Hanti haysta ama Nin Madax ahi ugu yeedho Xaflad, waxa laga yaabaa inay Orod ugu tagaan, haddii Maanta loogu yeedhay Xafladda intan leeg ee Nebigeena dhalashadiisa lagu xusayo inay ka maqnaadaan (uma fiicna) markaa waxaan leeyahay Xisaabta isa saara oo isku miisaama Xafladaha kale ee aad joogtaan iyo Xuska Nebigeena aad ka maqan tihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qofkaan waxba baran Xil ma saarna, laakiin Culimada wax baratay ee Maalin walba Mimbarka inoo saaran ee wanaagga inagu wacdiyeysaa inay haddana Xuska Nebiga Muhmal geliyaan aad uma fiicna, inagu ma caabudayno Nebiga oo isagaaba yidhi Caabuda Ilaaha ina Abuuray, markaa waynu xusaynaa ee Xuska Nebigu ma dambibaa..”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Xusas kan la mid ah ayaa lagu qabtay Gobollada Togdheer, Sanaag, Sool, Awdal, Saaxil, Gabiley iyo kuwo kale.

 

Geeska.net/Hargeisa Office