Maraykanka Oo Xukuumadda Iyo Xisbiyada Somaliland Ugu Baaqay Inay Ku Heshiiyaan Doorashada

0
659

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Maraykanka, ayaa mar kale ka hadashay khilaafka doorashooyinka ee ka taagan

Somaliland.Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dawladda Maraykanka u qaabilsan Afrika, ayaa War uu soo saaray wuxuu Dhinacyada siyaasadda Somaliland ee isku khilaafsan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda u soo jeediyay inay miiska Wada-hadalka iskugu yimaaddaan isla-markaana isla meel dhigaan jidka loo marayo doorasho heshiis lagu wada yahay.

Xafiiska Afrika u qaabilsan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa baaqeeda ku tidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Somaliland inay dib u bilaabaan wada-hadalladii, isla-markaana ay ku heshiiyaan dariiqa loo marayo qabashada doorashoyinka”

Xilligan, waxa Somaliland ka taagan khilaafka salka ku haya ta soo horraynaysa doorashooyinka Madaxtooyada iyo furista Ururrada siyaasadda.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa doonaysa In marka koowaad la qabto doorashada Ururrada siyaasadda, halka Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ay doonayaan In la soo horraysiiyo doorashada Madaxtooyada.

Warka ka soo baxay Dawladda Maraykanka, ayaa ku soo beegmaya xilli uu Maanta Madaxweynaha Somaliland sheegay inay muhiim tahay in Wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan.

Geeska.net/Hargeisa Office