Samsung Oo Wax Ka Beddel Ku Samaynaysa Waxyaabo Hore Looga Bartay Qalabkeeda Casriga Ah

0
698

Seoul (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Samsung ayaa go’aansatay in ay joojiso adeegga akhriska farta ee inta badan ku jira qalabkeeda casriga ah, kuna beddesho farsamooyin kale oo ay ka mid yihiin farsamada garashada wejiga iyo farsamada indhaha akhrida.

Bar shabakadda Twitter ka ah oo baahisa wararka shirkadda Samsung ayaa lagu sheegay in shaqaalaha sare ee farsamada iyo horumarinta u qaabilsan shirkaddu ay dhowaan ka doodeen qorsheyaal cusub oo ay ku joojinayaan adeegga inta badan lagu xidho qalabka ay shirkaddu soo saarto ee ah in farta la saaro kadibna sidaa qalabku ku garto qofka oo uu is furo, sababta ay adeeggan faraha uga qaadayaanna ay ku sheegeen iyaga oo aaminsan in ay tahay farsamo gabowday oo ay tahay in laga baxo, marka la barbar dhigo farsamooyinka kale ee hadda qalabyada casriga ah lagu xidho.

Degelka @mmddj_china ee barkulanka bulsho ee twitter ka ayaa war ay ka soo xigatay shaqaalaha shirkadda laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ee Samsung, waxa ay ku sheegeen, ‘In shirkaddu joojin doonto adeegga furaha farta la saarayo ah, oo haatan gabowday’ laakin shirkaddu si rasmi ah uma ay shaacin in uu jiro qorshe ay arrintan ka leedahay oo dhowaantan la filan karo. Sidoo kale bartan Twitter ka ahi ma’ay sheegin waqti arrintaas ay shirkaddu fulinayso, waxa se jira warbixinno hore oo sheegayey in ay shirkaddu waddo qorsheyaal ay dhowaan shaacin doonto oo u gogol xaadhaya joojinta adeeggaas, una guurayso in talefanka ama qalabka kale ee casriga ah ee ay soo saartaa uu akhriyo karo wejiga ama indhaha qofka kadibna sidaas ku aqoonsanayo iskuna furayo. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in goobta farta la saarayo lagu samayn doono dhabarka dambe ee talefannada ay shirkaddu soo saari doonto ee Galaxy 8 iyo Galaxy 8+.