“Saleebaan UDUB Oo Uu Ka Tirsanaa Wuu Ka Aamusay Khilaafkeedii, Kulmiye Wuu U Gurmaday, UCID-Na Wuu Arkaa Ee Ayno Eegno Wuxuu Ka Yeelo”

0
495

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida ugu baaqay inay soo dhex galaan khilaafka ka dhex taagan UCID, waxna ka qabtaan.

xxxxxxxxxxxxx

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu si sharaf leh uu xilka ku wareejiyey, markii laga guulaystay, waxaanu Madaxweyne Siillaanyana ugu baaqay  inuu ku daydo Daahir Rayaale oo uu dhex u ahaado Saddexda Xisbi, "Khilaafka Xisbiga UCID heer qaran ayuu gaadhay, waxay ahayd oo ay imikana tahay in khilaafkaas lagu dhammeeyo oo dib loogu noqdo xeerka iyo shuruucda u taala Xisbiga, madaama aniguna ahay oday iyo xildhibaan ka tirsan Xisbiga wax aan ku rajo weynahay in muranka iyo khilaafka laga daayo Xisbiga oo dib la iskugu noqdo, laakiin waxa iga xasuusin ah in Madaxweynaha oo ah masuulka ugu sareeya qaranka, Saddexda Xisbina Madaxweyne u wada ah, wuu arkaa khilaafka ka taagan Xisbigia UCID ee waxay ahayd inuu ka hadlo oo uu soo dhex galo, khilaafka ka dhex taagan uu dhameeyo, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan UDUB oo uu ka tirsanaa wuu ka aamusay khilaafkeedii, Kulmiye wuu u gurmaday, UCID-na wuu arkaa muranka ka taagan ee bal waxa uu ka yeelo ayeynu eegi doonaa, waxa aan se leeyahay madaama aad tahay Guddoomiyaha Guurtida ha daawan khilaafkan ee kaalintii guurtinimo ku soo gala khilaafkan taagan, iskuna day inaad kaalintaada ka qaadato soo afjarida khilaafka UCID.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, iyana waxa aan leeyahay waxa lagu tartamaa waa Shacabka, tartankuna wakhti ayuu leeyahay, waxa aan se leeyahay waxa idiin haboonayd in aydaan eegan khilaafkan ka taagan Xisbiga dhiggeena ah ee UCID, ee inaad xalisaan ayaa idinla gudboonaa, oo idina oo gacmaha is wada haysta tartanka sidaas ku gashaan".

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile mar uu ka hadlaayey Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ayaa  yidhi "Madaxweyne Daahir Rayaale ha la dhaliilo wakhtigii  uu xukunka dalka hayey, balse si milgo iyo sharaf leh ayuu xilka kaga dagay,odhaah taariikhiyana wuu kaga tagay, maantana halka uu dalku marayo weynu aragnaa, waxaana Madaxweyne Siilaanyo leeyahay haddii aad tanaasushay Saddexda Xisbi siidhiga u qabo, oo dhex u ahoow, oo sidaas Daahir Rayaale magaca iyo sharaf dalka kaga tago, inkasta oo qadiyadeenii hoos u dhacday, maxa yeelay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ayaa inagu keenay, oo sida cad wada hadaladu sidii la moodayey may noqon, daacadna laga ma ahayn, dadkana waxa kale ayaa la tusaayey, taasna caddeynteedu waxay tahay in aanay mar qudha Xukuumaddani Golaha hor keenin wixii ay ku wada hadleen Somaliland iyo Somaliya, wada hadalada dib ayaa loo bilaabaya ayaa la yidhi sida dhacdayna Wasiiro badan oo Xukuumadda ka tirsanaa oo iyagu wada hadalada ka qayb galay, wey is casileen, qaarna xilka ayaa laga qaaday, markaas in arintaas la is weydiinayana waa mid meesha ku jirta.

Dhanka kale Somaliya wey hambalyeysay dib u dhaca Diiwaangelinta, sababta ay ilaa hadda u hambaliyeysayna garan mayno,, haddii aanay Xukuumaddu hambalyadaas la ogeyna waa inay sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabta, haddii kale waxa aanu u arkaynaa inay is og yihiin”