Biriijka Dooxa Dubureed Oo Qarka U Saaran Inuu Dhexda Ka Jabo

0
524

Berbera(Geeska)- Biriijka Dooxa Dubureed e u dhexeeya Degmada Sheekh iyo  Tuulada Galoolay  ayaa halis ugu jira Dhaawac Gaadhay Dartii In u dhexda Ka Jabo.

bbbbbbbbb

Toddobaadkii Ugu danbeeyay ayaa La arkay in dhaawac soo gaaadhay Biriijkaasi Dooxa Dubureed oo badhtamaha Dhaawac ka Qaba.

Sida ay qortay shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Sheekh iyo taliyaha Saldhiga Sheekh oo  Dooxaasi Kormeeray ayaa  Hadhwanaag u News u Sheegay in Biriijku Khatar Ku Jiro, Waxaanay Tilmaameen in Hadii dhakhso Wax Looga Qaban Waaayo Dilaacu uu sii fidayo , maadaama oo ay maraan baabuur waaweyn oo qaada xamuul culus.

Masuuliyiiintan ayaa sida shabakadu sheegtay  baaq u diray wasaarada hawlaha guud oo ay ka dalbadeen inay deg deg wax uga qabato biriijkaas, inta aanu dumin.