Mujaahid Ibrahim-Dhegaweyne Oo Cambaarayn Iyo Dood Warbaahinta U Mariyay Madaxweyne Axmed-Silanyo Iyo Xukuumadiisa

1
893

Picture7Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Muj.Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne), ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa  ku dhaliilay inay ka hadli wayday dhaliilaha tirada badan ee uu u soo jeediyay golahoodu.

Sida oo kale Muj.Dhagaweyne waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inuu dalka kala qaybinaayo isla markaasna magaaladii uu ka soo jeeday ee Burco aanay isku talaabin,dalkuna uu galay mustaqbal madaw, waxaanu si adag ula hadlay Madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga oo u soo jeediyay dhaliilo badan oo uu jawaabahooda uga fadhiyo,waxaanu difaacay golahoodan Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Waxa uu sidan ku sheegay Mujaahid Dhagaweyne shir jaraa’id oo Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka uu ku qabtay hotel Xafar magaalada Hargeysa. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Golahani waxa uu u taagan yahay inuu umaddan waxeeda difaaco, waxaanu u sheegaynaa dawladda in wixii aanu soo bandhignay ee aanu nidhi waxaas ayaa qaranka ka xun inay yidhaahdaan waxna waanu qabnaa  oo waanu hagaajinaynaa waxaana waanu diidnay, eed cad ayaanu u soo  bandhignay  oo qoran oo lixiyo toban ah , haddii aanu been sheegayno ha soo bandhigaan, magac ayey ku wareegayaan waxaasina ka socon maayaan, waxa idinka codsanayaa  waa  inaad eedan ka jawaabtaan.”

Muj.Dhagaweyne oo ka hadlaaya eedaymaha ay xukuumada u soo jeediyeen waxa uu yidhi "Tuug ayaad tahay oo waxaanu ku nidhi lacagtii umadda  ayaad xaday ee ka jawaab, anaga ayaa soo cadaynayna iyada oo tafaasiil leh oo qoraal leh, waxaanu ku nidhi golayaashii ayaad kufsaday  iyo sharciyadii wadanka ayaad baabiisay,  maxkamadi ma jirto saxaafadii madaxa baananayd ayaad cabudhisay, nooga jawaab.Waxaan shalay maqlayey in maxkamada loo tagay oo lagu yidhi mudadii aad u qabatay wargeyskii xidhnaa way dhamaatay ee soo daa dabadeedna ay ku jawaabtay ilaa isagu soo daayo lama ogolanaayo,waar dadkan kharash ayaa ku socda ilaa inta ay dumayso ayaan haynayaa weeyaan, taasna cid xaq u leh ma jirto, distoorkii ayaad baabiisay, goleyaashii qaranka ayaad baabiisay inaad nooga jawaabtid, mid waliba wuu wakhti dhaafay oo sharci kuma fadhiyo, kiisa kaliya sharci ma noqon karo haddii maxkamadii taas tahay labadii gole-na uu sharcigii ka dhacay, doorasho ma qaban karo ayuu yidhi  dib ayaan u dhigay waar afartii xaaladood ee dib loogu dhigi lahaa ma haysid, aafada qaranka  dee adigu rid oo dagaal rid ileen markaas ayey istaagi karaysaaye,umad nabad haysata oo barwaaqo ku jirta ayaa dalka joogtee."

Mujaahid Dhagaweyne waxa uu sidoo kale ka hadlay tahriibka ay miciinsatay dhalinyarada Somaliland isaga oo sheegay inay muujinayso rajo la’aanta ay bulshada Somaliland ka qabto xukuumada waxaanu yidhi "Tahriibkii ayaa faraha ka baxay  oo saaka oo ugu dambaysay waxa warbaahinta laga sheegayey in Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu tahriibka badan, shantii bilood ee ugu danbeeyeyna way korodhay, inamadii iyo hablihii inta lugta laga xidhay ayaa mid kasta saxarihii lagu eryanayaa kun doolar, wax yaabahaas ayaa ina hor yaala ee ka jawaab, magac yar dadka ha ku habsaamine, anaguba waxanu soo bandhigi doonaa kuwo ka xun oo aad wadato oo kuwii siyaad bare ah, umaddani waxay aragtaa mustaqbal madaw.waa markii ugu horaysay Axmedow ee ay Burco qaybsantay oo laba daamood kala noqotay oo ay isku talaabi kari ladahay, kubadii ayey wada ciyaari kari waayeen, laba garoon ayey kala samaysteen, intaasina waa intii aad timid ayey yidhaahdeen  waar maanagaa ka keenay dadka, waa magaaladaadii haddii ay kala tagtay iyadu halkeed isku haynaysaa,  ma Seemaal iyo Buuhoodle ayaad wax ka qabanaysaa,Burco ayaa halkaa taagan, inta aanay tana kala tagin aynu wax ka qabano Somaliland-ney."

Ugu dambayntii mujaaahid Dhagaweyne waxa uu ka hadlay heshiiskii dhinaca hawada ee ka dhacay wadanka Turkiga, isaga oo si weyn u dhaliilay waxaanu  yidhi “waa kaa raysal wasaarihii Somaliya lahaa wax walba waanu ka heshiinay, wataa Hargeysa la keenayo iyada oo ay isku jirto hawadii, goorma ayeynu wax isku darsanay(Somaliya), waar meel cad ayeynu taagnayne goorma ayeynu  hoos tagnay dawlad la aqoonsan yahay oo Somaliya ka dhisan, nin laba sakadood haysta oo habeen walba qarax ka dhacayo ayeynu ku milmaynaa, taasina waa karaamadii umada oo meel lagaga dhacayo.”

Comments are closed.