Wasiir Qabo Iyo Xildhibaan Nacnac Oo Is Dhaafsaday Weerar Iyo Weerar Celis

0
932

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo wasiirka qorshaynta Maxamed Ibraahim Qabo ayaa isweydaarsaday hadalo weerar iyo weerar celis ah.

Wasiirka qorshaynta xafiiskiisa ugu  waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal Tv, ayaa isagoo ka jawaabaya siyaasiyiinc culus oo deegaankiisa ah oo ku biiray xisbiga Waddani, wuxuu ku tilmaamay odayaal hawlgab noqday [retired]. Laakiin xildhibaan Nacnac oo isla weriye Badri Koosaar kula hadlay makhaayad Camiran oo ku taala ka soo horjeedka Cisbitaalka Edna ayaa ka jawaabay hadalkaas, waxaanu wasiir Qabo iyo xildhibaan Kijaandhe ku cariyay inay bulshada dhex yimaadaan.

Wasiir Qabo

Wasiir Qabo oo ka jawaabaya siyaasiyiinta waaweyn ee ka soo jeeda deegaanadiisa ee ka baxay xisbiga KULMIYE, kuna biiray Waddani, wuxuu yidhi “Hangaraarac lug uma dhutiyo deegaanka aan ka soo jeedaa wax qof wax u yeedhiyo ka weyn ama qof marka uu ka tago wax u noqda maaha.  Taariikh fiican ayay ilaa halgankii ku leeyihiin, way jiraan odayaal hawlgab ah oo waaweyn oo in badan na soo hortaagnaa, odayaashaasi waxay ahayd wakhtigii ay iska fadhiisan lahaayeen ee ay tusbaxa qaadan lahaayeen, xisbiga way soo ahaayeen oo iyaga ayaa nagu hagay iyaga ayaa hormuud noogu ahaa daqiiqadii ugu danbaysay inay khaatumo xumaystaan runtii aadbaan uga xumahay kamaanaan filayn, inta aad iyaga sheegaysaan kaadiriin farobadan ayaa ku jira xisbiga Kulmiye, waad ogtihiin magaca xisbiga Kulmiye deegaanka aan ka soo jeedo ayaa bixiyay oo Cabdi Giire ayaa bixiyay, aasaasayaashii 11 nin ayay ahaayeen shan ka mid ah deegaankayaga ayay ka soo jeedeen maaha xisbi aanu anagu qariib ku nahay, maaha xisbi nalaga leeyahay, waa xisbi aanu leenahay deegaan ahaan.”

Xildhibaan Nacnac

Xildhibaan Nacnac ayaa isagna ku jawaabay “Sow inaan maqaaxida fadhiyo arki maysaan, sow Waddani ma nihin, sow Waddani ma nihin, taas ayaa u jawaab ah Qabo iyo ina Kijaandhe iyo kuwaas biidhi qaatayaasha ah waxaad ku tidhaahdaan hadaad rag tihiin tolkiin u kaalaya oo gaadhi xidhan ha ku dhaafinee dadka soo dhex gala ama hawlgab  ayaan noqon ama xaafada waxaan ka keeno aad arki doontaa ee adiguna waxuun ka keen.”

Xildhibaan Nacnac oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Ina Kijaandhe waxaan leeyahay halkay ka shidantahay ku soo biir oo xisbiga isbadal doonka ah ee horumarka dalka gaadhsiinaaya, anigu Kulmiye ayaan ahaan jiray waxaan u qabtayna u qaban maayo isaguna[qabo] waa kii heeg saaray madaxweynaha sow garan maysaan barigii, imika afarta gaadhi iyo waxaasi yaanay ku hodine dadkaaga soo raac dheh.”