Salaadiin Iyo Odayaal Uu Ku Jiro Xaaji Cabdi Waraabe Oo Cambaareeyay Dhawaaqii Suldaan Maxamed Su.Cabdiqadir

1
781

 

SuldaanHargeysa (Geeska) Siyaasiyiin iyo saalaadiin ka tirsan Beesha Ciidagale ayaa si kulul u dhaleeceeyey hadalo dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanay sheegeen in aanay la qabin hadalka ka soo yeedhay Suldaanka.

Siyaasiyiinta madax dhaqameedka koonfurta Hargeysa waxay sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay isugu yimaadeen, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Xaaji Cabdikarin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe) xildhibaan Maxamed Maxamud Yaasin, Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh), iyo cuqaal kale. Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sheegay in hadalka ay ka jawaabayaan uu meel ka dhac ku yahay madaxweynaha Somaliland, waxaanu yidi “Halkan waxa iskugu yimid odayaashii beesha Ciidagalle waxaanu ka shiraynaa oo aanu Saxaafadda ugu yeedhnay hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu saxaafada ka sheegay. Odayaashu hadalkaasi Suldaanka waxay u arkeen meel ka dhac oo uu Madaxweynaha meel kaga dhacay waanan ka xaal bixinaynaa oo madaxweynahana waanu ka raali gelinaynaa. Madaxweynaha xaal ayaanu ka siinaynaa dul lagu qaado madaxweyne ayaa lehe dul qaado ayaanu leenahay. Wax suldaan Maxamed hadalkaasi la qaba oo odaya ama beesha ahi ma jiro. Beeshu waxay isku raacday inay hadalkaasi diidan yihiin. Shirarka beeshu yeelatay waxaanu ku mamnuucnay in colaad la abuuro iyo in mudaharaad la sameeyo. Dawladani wax wanaagsan oo aan la tirin Karin ayay qabatay. Waxa uu yidhi Suldaanku Madaxweynaha ayaa lagu yidhi madaxweynaha Soomaaliya oo dhan noqo, waxaanu leenahay arrintaasi waxa lagu bilaabay Marxuum- Cabdiraxmaan Axmed Cali (Madaxweynihii koowaad Somaliland), waxa lagu xigsiiyay oo isna lagu yidhi Marxuum Cigaal, waxa kale oo lagu yidhi Rayaale, midna ma yeelin hadalkaasi madaxweynahana ma yeelayo lamana hadal hayo wax uu madaxweynuhu ku jirana ma aha arrintaasu.”

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Boqor Raabi oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland, waxaanu ka hadlay khilaafka xisbiga Ucid iyo hadalka Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, waxaanu yidhi “Marka ugu horaysa arrintaasi waxaanu ka bixinaynaa raaligelin waxaanan caddaynaynaa in aanaan la qabin hadalada deel qaafka iyo kicinta ah ee uu ku hadlay Ina Cabdiqaadir. Aad iyo aad ayaanu dadka xaal uga siinaynaa ugana raali gelinaynaa hadalkaasi oo suldaankaas kali ku ah. Khilaafka xisbiga UCID arrintiisii faraha ayaanu ku haynaa beel ahaan xisbiga madaxdiisii ayaa xoogaa khilaaf ahi dhex maray waligeed baanay dhici jirtay. Waxaanu rajaynaynaa inaanu xisbiga sidiisii ku soo. Waxa kale oo aanu xasuusinaynaa ummadda dagaalka uu iclaaminaayo Suldaan Maxamed waa kii kan ka horeeyay uu Tuutaha u soo xidhay kiibaanay waxba ka gaadhin ayaan filayaa, waxay ahayd in lagu ciqaabo oo dunuubtiisana la mariyo. Inuu maanta dagaal kale ku celiyo oo uu dad kale ku laayo ma aha mid beeshu ay ka yeelayso.”

Geesta kale Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin (Dheeg) ayaa khilaafka Ucid ku tilmaamay mid ilaahay fududeeyey, waa sida uu dhigay hadalkiiise, waxaanu yidhi  “Khilaafka UCID anigu waxaan leeyahay ILAAHAY baa fududeeyoo waa la furay asxsaabtii oo waxay taagan tahay ninkii baahnaayoow lagu fasax, wax la isku qabqabsadaana ma yaalaan ninkii dad haystaaba urur siyaasadeed ayuu furanayaa. Beeshayadu haddii ay is lahayd xisbiga Ucid waad ku soo tacabteen oo hawl baa idinka gaadhay haddii kan laga qaado dee mid kaleba way furan ama kay ku soo tabceen ayaaba loo dayn, arrintaasi wax dhib ah oo ku jiraa ma jirto iyo in la yidhaahdo beel baa ka dagaalamaysa midna ma jiro.”

Comments are closed.