Maraykanka Iyo Kanada Oo Meesha Ka Saaray Farogelin Milatari Oo Somaliya Laga Fuliyo

0
691

 

USA

Dawladaha Maraykanka iyo Kanada ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada weerar milatari oo laga fuliyo gudaha Somaliya si loo gargaaro dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee meelo ka mid ah goobaha ay joogaana ay Al-Shabaab ka mamnuucday hay’adaha mucaawinada bixiya qaarkood.

Shir ay khamiistii yeesheen Wasiirada khaarajiga ee Kanada iyo Maraykanka, ayaa waxa ay ku go’aamiyeen inaanay xal ahayn talaabo milatari, iyagoo Al-Shabaab ugu baaqay inay xayiraada ka qaadaan hay’adaha gargaarka sida oo ay fasaxaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kanada John Baird, ayaa yidhi, “Kama baaraan degayno talaabo milatari oo aanu ka fulino Somaliya.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay, “Xaqiiqdii, labadan wadan taas khibrad ayay u leeyihiin.” Hadalkiisan dambe ayuu uga jeedaa wadhidii Kanada iyo Maraykanka ka raacday weerarkii ay Muqdisho ku qaadeen sannadihii 1992-93 ee loogu magac daray rajo soo celinta Somaliya, halkaas oo maydka askar ay leeyihiin lagu jiid jiiday jidadka Muqdisho.

Canada oo ah dal sumcadiisa aad u ilaaliya islamarkaasina qayb ka ahaa howlgalkaasi loogu magacdara “Rajo soo celinta Soomaaliya” ayaa kasoo kabanaya fadeexadii ka raacday askariga Canadian ah oo ilmo yar oo Somali ahi uu ul nafta kaga jaray taas oo horseeday in guuto ka tirsan ciidamada Kanada ay shaqo joojin sameeyaan.

Hillary Clinton oo iyaduna ah xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, ayaa ugu baaqday Al-Shabaab inay fasaxaan mucaawinada, waxaanay sheegtay in talaabo milatari ay dhaawici doonto deeqaha ay haya’daha gargaarku bixinayaan.