Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo La Filayo Inay U Socdaalaan Magaalada Addis Ababa Iyo Ujeedada Safarkooda

0
710

 

Md SiilaanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay toddobaadkan safar ku tagaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Ma jiro wax war ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka la filayo ee Madaxweynaha, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay in Madaxweynuhu maalmaha fooda inagu soo haya u socdaali doono Addis Ababa oo uu kula kulmi doono masuuliyiinta sar sare ee dawladda federaalka Itoobiya, waxaanu warku sheegay in halkaas lagu kala saxeexan doono heshiis ku saabsan sidii ay Itoobiya u isticmaali lahayd dekedda Berbera oo ah marin badeed caalami ah, waxaana weftiga Madaxweynaha ka mid ah Wasiirada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, maareeyaha dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo xubno kale.

Wada hadalka uu Madaxweynuhu la yeelan doono madaxda Itoobiya, waxa kale oo la filayaa in lagu falanqeeyo xidhiidhka labada dal iyo weliba xaaladaha gobalka Geeska Afrika.

Maaha markii koowaad ee uu Madaxwene Siilaanyo safar ku tago dalka Itoobiya, waxaanay bulshadu u dheg taagaysaa nuxurka uu kala soo noqon doono socdaalkiisan.