Maxa Ku Jira Khasaare Iyo Faa’iido Safarka Uu Madaxweynaha Somailand Ku Tagay Kenya

0
611

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Safar qaadanaya dhowr Maalmood ku tagay Dalka Kenya.

Safarkan oo ku yimid Marti-qaad Rasmiya ah oo Madaxweynaha Somaliland ka helay dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta ayaa siyaalo kala duwan looga hadlay ujeeddadiisa.

Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ka mid ah Sharci-yaqaannada falan-qeeya siyaasadda ayaa ka mid ah Dadka soo bandhigay aragtidooda la xidhiidha safarka Madaxweynaha ee Kenya, waxaanu ka eegay laba dhinac oo ah inuu noqon karo mid Faa’iido u ah Somaliland oo wax macno leh uu kala soo noqdo Madaxweynuhu iyo inuu noqdo mid Kenya oo keliya ay Diblumaasiyad ahaan uga faa’iido, maaddaama oo loo arkayo in Kenya ay safarka Madaxweynaha Somaliland si kale uga faa’idaysanayso, maaddaama oo xilligan uu khilaaf culus ka dhexeeyo Soomaaliya.

Gar-yaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Safarkani waa Safar muhiim ah, marka koowaad Kenya waxay ka mid tahay Waddamada Bariga Afrika ugu xooggan, sidoo kale waxa dhawaan loo doortay inay ka mid noqoto Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ah Gole aad iyo aad muhiim ugu ah Adduunka iyo arrimaha Somaliland, Somaliland-na maaddaama oo ay dunida xidhiidh la samaysanayso inay dal muhiim ah la samaysataa way fiican tahay. Waxa taa labeeyaa waa Xiisadda ka jirta Geeska Afrika, gaar ahaan muranka ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo soo cusboonaaday, laftiisa waalla odhan karaa inuu raad ama tuhun ku yeelanayo xidhiidhka cusub ee Kenya la yeelatay Somaliland.”

Gar-yaqaanku waxa kale oo uu ka hadlay Fursadaha siyaasadeed ee Somaliland uga bannaan Kenya “Raadka Soomaaliya ku leedahay Kenya ayaa ka weyn ka Somaliland ku leedahay haddaad eegto Faa’idada iyo Faa’iido darrada, markaa xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waa xidhiidh Muhiim ah oo dheer oo dhaqaale, Bulsho oo dhaqan oo aan si yar oo kooban ku burburi karin, waxaase hadda khilaaf ka dhexeeya Xukuumadda Muqdisho joogta ee Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Kenya, kaasi waa wax dhammaan kara oo way heshiin karaan. Markaa waxaad mooddaa in Kenya u isticmaalayso wax kasta oo Soomaaliya ka cadhaysiiya marka muran yimaaddo, marka labadoodu isku dhacaan (Kenya iyo Soomaaliya) ayaa Wufuudda Kenya inoo timaaddaa, waxa la yidhaahdaa Safaarad ayaa la furayaa, dhaqaalahaa kordhaya, Baasaaboorka Somaliland waalla idiin ogolaanayaa, markay heshiiyaana way shiiqdaa. Hadda waxa soo cusboonaaday khilaafkii, kulankana waaka yimid, markaa haddii kulankan nuxurkiisu noqdo arrinkaa ama ay u isticmaalayso wax ay diblumaasi ahaan ku cadaadiso Soomaaliya markaa Somaliland waxba kama faa’idayso, balse haddii waxaa wax ka sii qoto dheeri jiro dhinaca Somaliland, Madaxweynaha iyo Weftigiisuna taa Garwaaqsan yihiin oo aanay khiyaamadaa ku dhicin Somaliland wax way ka faa’idi kartaa.”

Gar-yaqaanku wuxuu ka hadlay waxyaabaha Somaliland kaga xidhan Kenya “Kenya waxa inagaga xidhan isku socodka, Kenya waxa deggan Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah Xooggooda, haddana Fiisahooda in la helaa Dadka Somaliland wuu ku adagan yahay, Waayo? Qunsuliyad kuma leh Somaliland, waxa ka mid ah Arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, waxaas oo dhan waalla kala faa’idaysan karaa haddii Istaraatijiyaddeedii Somaliland la tagto, haddii markaa Somaliland arrimahaa la soo noqoto wuxuu noqonayaa kulan guul leh oo Madaxweynaha loogu Mahadin karo, haddii kale waxay noqon kartaa inaan horumar weyn la samaynin..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office