Safiirka Itoobiya Ee Somaliland Oo Qaabilay Wefdi Ka Socda Dawlad-Deegaanka Soomaalida

1
695

Picture3Hargeysa(Geeska)- Safiirka xukuumada Itoobiya u fadhiya Somaliland,  Brigadier General Berhe Tesfaye ayaa wada xaajood ku saabsan arrimaha amaanka iyo maamulka shalay xafiiskiisa kula yeeshay wefdi ka socday Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafada loogu tallogalay oo ka soo baxay xafiiska safiirka itoobiya ayaa lagu sheegay in wada xaajoodkaasi ku saabsanaa sidii loo dhisi lahaa nidaam waxtar leh oo ku saabsan isdhaafsiga wararka ku saabsan arrimaha amaanka.

 Brigadier General Berhe Tesfaye, ayaa ku sheegay wada xaajoodka kuwo “qaar yimi wakhtigii loo baahnaa, maadama ay dhaceen xilli loogu dabaaldegayo Jigjiga maalinta muwaadiniinta iyo shucuubta Itoobiya.

Wada xaajoodkan ayaa lagaga hadlay heerka uu marayo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu safiirku bogaadiyey isfahamka laga yeeshay sidii loo cidhib-tiri lahaa cadowga Shabaab iyo xoogaga kale ka soo horjeeda sidii horumar dhaqaale iyo siyaasadeed loo gaadhi lahaa. “Xidhiidhka labada shacbi iyo labada dawladood marba marka ka dambeeya wuu sii xoogaystaa, labada dhinacna waxa ka go’an sidii loo gaadhi lahaa Isfaham buuxa iyo iskaashi miro-dhal ah.”

Mr. Tesfaye, safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa sheegay in Itoobiya tahay wadankii ugu horeeyey ee xafiis ka furta Somaliland una fududeeya shacabka Somaliland arrimaha fiisayaasha si loo adkeeyo xidhiidhka labada shacab, loona fududeeyo isu-socodka shacabka Somaliland xaalado kala duwan.

Bilowga diyaarada Itoobiyan Airline duulimaadyada tooska ee Hargeysa ayaa sidoo kale ku yimi xiisaha dhinaca Itoobiya u doonayaan inay isku xidhaan Itoobiya iyo Somaliland iyo qeybaha kale dunida.

 Boqolaal deeqo waxbarasho jaamacadeed, ay ku jirto jaamacada Jigjiga, oo sannad walba ardayda reer Somaliland ka helaan Itoobiya ayaa muujinaya xidhiidhka dhumucda weyn, waxaanu safiirka Itoobiya Berhe, hoosta ka xariiqay inay diyaar u yihiin bixinta fursado dhinacyo kale ah.

Comments are closed.