Somaliland Oo Mabnuucday In Xuduudaheeda Lagaga Gudbo Basaborka Somaliya

1
560

Picture4Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay Mabnuucday in Somaliland lagaga safro Baasaaboorka Soomaaliya ee loo yaqaano E-Past Port, kaasi oo Muwaaniniinta reer Somaliland iyo dad kale ee Ajaanibka ahi ay si dhuumasho ah ugaga gudbi jireen xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo shalay xarunta Wasaaraddiisa kulan kula yeeshay Wasiirro ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay booqasho ku joogay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay isla qaateen qodobbo dan u ah labada dhinac “Wasiirrada iyo wufuudda ka yimid dalka Itoobiya waxaanu ka wadahadalnay sidii la isku kaashan lahaa, waayo xidhiidh wanaagsan baa innaga dhexeeya Itoobiya, waxaynuna xuduud dheer, waxaanu ka wadahadalnay sidii la iskaga kaashan lahaa isku socodka dadka, nabadgalyada iyo dhaqaalaha, qodobbo dhowr ahna waanu isla qaadanay iyo in iskaashi buuxa la sameeyo oo gobollada ku soo jeeda xuduudku ay iskaashi buuxa yeeshaan oo ay si toos ah u wada shaqeeyaan”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Mabnuuceen in Somaliland lagaga gudbo Baasaaboorka Soomaaliya “Ta labaad ee imika innagu soo korodhay waxa weeyaan dad badan oo sita Baasaaboorka Soomaaliya oo doonaya inay ka talaabaan xuduudka u dhexeeya innaga iyo Itoobiya ama Kililka, taana waanu mabnuucnay, annagu Baasaaboorka Soomaaliya ma ictiraafsanin, Soomaalida sidatana ma ictiraafsanin, markaa maadaama oo aan ictiraafsanayn lagagama bixi karo Somaliland, ninkii Baasaaboorkaa sitaa wuxuu kaga bixi karaa halka laga aqoonsan yahay ee Soomaaliya, taasina si aanay wax u yeelin xidhiidhka labada dhinac waxaanu u diidnay inay ka baxaan xuduudka sida Wajaale oo kale, dadkana waxaanu u sheegaynaa inay dalalkooda ka baxaan haddii ay doonayaan inay Itoobiya galaan, ma ictiraafsanin E-pastport ha sheegteen ama wax kale ha sheegteene”

Comments are closed.