Ninkii Aasaasay Budhcad Badeeda Dalka Somaliya Oo Biljamka Lagu Qabtay

0
513

Picture2Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Ciidamada ammaanka ee wadanka Beljamka ayaa qabtay Maxamed Cabdi Afweyne, oo ah ninka aasaasay budhcad badeeda Somalida ee dunida ka qaylisiisay.

Wakaalada wararka AFP  ayaa shaacisay in xabsiga loo taxaabay Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) oo ahaa mid kamid ah aasaasayaashii burcad badeeda Soomaaliya. Waxaana weheliyay oo isna la qabtay Maxamed Aadan Tiicey, oo ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb ee Somaliya, oo isna lagu tuhunsanyahay budhcad badeednimo.

Afweyne ayaa laga qabtay madaarka magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium isagoo saarnaa diyaarad ka tagaysayy magaalada Nairobi maalintii Sabtida la soo dhaafay, iyadoo ilo kamid ah garsoorka dalka Belgium ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in loo haysto dacwado dhowr ah.

Warbixin ay sannadkii hore soo saartay qaramada midoobay ayaa ku tilmaantay Afweyne inuu yahay ninka ugu awooda iyo saamaynta badan marka laga hadlayo hogaanka burcad badeeda Soomaaliya.

Waxaana la sheegay inuu ku lug lahaa qabsashada maraakiib badan oo malaayiin lacag ah oo madax furasho ah lagu soo daayay kuwaasoo ay kamid ahaayeen markab shidaal siday oo laga lahaa dalka Sucuudiga kaasoo sii dayntiisa laga qaatay malaayiin lacag ah oo madax furasho ahayd.