“Xisbigii Horaan Ka Baxay, Urur Cusubna Waan Galay, Sharcigaana Ogol In La Samaysto, Sharciguna Mugdi Kuma Jiro, Golahana Waxaan Fadhiyaa Anigoo Ah ….”

0
4131

 

cabdiraxmaan-cirro-1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si adag u difaacay sharciyadda ay doodu ka taagantahay ee la xidhiidha iscasilaada ay isaga iyo xildhibaano kale iska casileen xubinimadii xisbiga UCID islamarkaana ay ku biireen urur siyaasadeedka Wadani ee ay ku dhawaaqeen.

 

 

Md. Cirro, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in ka bixitaankiisa UCID uu u maray jid sharci oo aanu mugdi ku jirin, waxaanu sheegay in xeerka cusub ee ururada siyaasadu mudanaha u fasaxayo inuu urur kale ku biiri karo ama uu u ololayn karo, laakiin xeerkan cusubi ma ogola ayuu yidhi Md. Cirro inaanu xildhibaanku laba urur ku wada jiri karin,  “Sharcigu mugdi kuma jiro, shuruudaha uu mudanahu ku waayi karo xubinimadiisana waxay ku yaalaan dastuurka, shuruurahana wax kamida inuu is casilo mudanahu, inuu geeriyoodo, in maxkamdi ay xukun ku rido oo uu golahu ogalaado, shuruudaha lagu buuxinayo markay jago banaanaatana dee goluhu isaga ayaa xaq ul eh inuu ogaysiiyo komiishanka, cid kale oo xaq u lihi ma jirto.” Ayuu yidhi guddoomiyaha wakiiladu,

waxaanu intaas raaciyay “Xubinimada golaha wakiilada dastuurkaa qoraaya meel kale ay ku qorantahayna ma jirto, xeerkaleoo tilmamayaana ma jiro, shuruuduuna waa intaas aan soosheegay, waxa ku jira in shuruudii lagu soo doortay mid kamida uu jabiyo kuwaasuna waxay ku qoranyhiin dastuurka waa toddaba shuruudood oo da’di baa kamida, inuu fayo qabaa kamida.”

Mar la weydiiyay sida uu u arko doodda dad badani qabaan ee ah in maadaama oo uu ku biiray urur aan golaha cod ku lahayn uu waayi doono xubinimadii aqalka wuxuu yidhi, 

“Ururadii waa la furay oo xeerkaa jideeyay in la furo ururo, maadaama xeerkii  jideeyay in la furo ururo shuruudaha uu kaga bixi karo xubinimada xisbiga waxa kamida  inuu urur kale samaysto oo xeerkaa tilmaamaya, xeerkan cusubi waxa uu tilmamyaa shuruudaha lagu waayi karo xubinimada xisbiga markaas waxa kamida shuruudaa  lagu waayi karo inuu is casilo, inuu xisbi samaysto, inuu xisbi kale u olaleeyo, waxa kamida inuu xisbi cusub ka qayb qaato samayntiisa. 

 

Markaa laba siyoodba waa uu uga bixi karaa inuu is casilo iyo inuu urur kale samaysto ayuu xeerku fasaxayaa. Xeerkanu waa uu fasaxayaa inuu urur kale ku biiri karo ama u olalayn karo, laakiin waxa uu reebayaa xeerku in aanu laba ku wada jiri Karin ee uu mid iska casilo,  Kii horaan ka baxay mid cusubna waan galay sharcigaana ogal in urur la samaysto hadda. “

Guddoomiyaha oo la weydiiyay bal magaca uu golaha wakiilada hadda ku fadhiyo wuxuu yidhi, “Waxaan ku fadhiyaa anigoo wadani ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Sharcigu wuxuu ogolaaday in ururo la furo, markaas maadaama oo la furay urur kale waan samaysan karaa ama waan geli karaa.”