Xukuumadda Somaliland Oo Bilaabaysa Kala Xadaynta Ganacsiga Oo Ah Hawlgal Ay Ganacsatada Waaweyni Ka Soo Horjeedo

0
600

 

Hargaysa ( Geeska )  Wasiirka wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Khaliif  ayaa daboolka ka qaaday inay wasaaradiisu bilaabayso hawlgal ay ugu magac dartay kala xadaynta liisanda gancsiga.

Kulanka qorshahan lagaga dhawaaqay waxa wasiirka ganacsaiga ku wahelinayay wasiirka maaliyada Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaas ka sheegay in aan umada Somaliland wali u bislayn nidaamka cashuur baxinta, labadan wasiir oo wada jira shirjaraa’id u qabtay  ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo ganacsi fur furan oo aan luminaynina cashuurta dawalada, islsa markaana ay ganacsatada wax soo dajisa ka sii daba faa’idaan dad kale. Ugu horayntii wasiirka Wasaarada Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif oo halkaas hadal dheer oo arimahan uu kaga hadaalyo ka jeediyay waxa uu ku bilaabay hadalkiisa “Marka hore wasiir Maxamed Xaashi waan uga mahad celinaynaa inuu inagala soo qayb galo xafladan aynu ugu go’agal xaadhayno in aynu hore talaabo ugu qaadno, arin runtii ah daryeel aan ku dar yeelanayno bulshadeenan guud ahaan iyada oo dhinacyo badan taabanaysa, dhinacyadaas oo marka ugu horaysa nolasha wadankeena maanta taala ee ugu badan waa baayac mushtarka ama xoolo halaga baayac mushtaro ama raashin halaga baasyac mushtaro ama beer, waxa dalka maanta yaala ee laga shaqaystaa waa baayac mushtarka, baayac mushtarkaas inuu gacan qudha wada galo oo ay umadu hoos joogto waxa ka haboon in la baahiyo oo ay faa’idadu wada gaadho dadkoo dhan.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaanay naga tahay daryeel aynu bulshadeena daryeelayno oo in aynu samayno gacmo kala hooseeya oo kala danbeeya oo dalkii ku kala faa’ida, oo ninka wax soo dajinayay uu halkisa ku faa’ido wakhti fudud oo aan ka qaadan wakhti badan iyo inuu sugo gacantan saddexaad ku helo waxii macaasha ee uu macaashayay, jumladlayaasha sidaas si leeg, ninkii tafaariiqlaha ahaana sidaas sileeg uu ka faa’ido, aynu ka dagaalno inya dadkii dabaqaad kala sarey aanay noqonin ama maalkii umada oo dhan shan qof ama toban qof aanay gacntooda ku ururin dhinacaa waa ka daryeel, dhinaca kalena waa ka daryeelo waad ogtihiin oo dawladeenu dakhli kale iyo dhaqaale kale oo aan leenahay majirtee cashuurtaas yar ee ina soo gasha baynu  ku wadanaa hawlaha qaranka oo dhan, waxaynu ku daryeelaynaa shaqaalheenii guud ahaan ee dalka, waxaynu ku daryeelanaa nidaamkii waxa inuugu socan lahaayeen, waxaynu ku daryeelanayaa horumarkii dalka taasan waa dakhli kordhin oo waxy  noqnaysa inaynu ku daryeelono umadeenii.”  Ayaa uu yidhu wasiirka wasaarada ganacsigu, waxaanu intaas ku daray

“Run ahaantii barnaamijka kan mudaan so wadnay diyaarintiisii, caqabadaha ugu badnaa ee ugu waynaana waxay ahayd dhaqaalaha lagu fulinaayo, waayo runtii dadkeenu uma ay baran in la waydiiyo cashuur ama waxay u arkaan in heerka cashuurta ee laga qaado wadamda dariska ah waxaynu ka donaynaa boqolkiiba labaatan wax ka yar intii loo baahnaa, hadana waxay aaminsan yihiin in laga qaado cashuur kabadan talaqga qaado dadka, dhibmalaha. Baraarujin badan ayaynu hore uga qayb qaadanay oo ay wacyi galintu ka mid ahayd oo bal horta in dadka lagu wacyi galiyo waxan laga doonayo waxay yihiin iyo waxa lagu qabanayayo iyo meesha ay maryaan iyo gacantay galayaan. Haddii dadku ay ogaadaan inay waxa kabaxayaa gacan aamina galayaan meeshu ku haboonaana ay ku baxayaan, waxaan aaminsanahay wakhti kastaba haqaadatee inay u bislaan doonaan inay cashuurta baxiyaan. Run ahaantii barnaamijka kan waxa aanu ugu talo galnay in aan mudo kooban ku samayno baayac mushtarkeena oo inoo kala soocan oo qoladii soo dajinaysay aynu ogaano inuu yahay liisamadoodiina aynu siino, qofkii wax dhoofinayana aynu ogaano liisanadiina aynu siino, waxii xuquuqa dalku kulahaan halkaa lagaga qaado, xuquuqdaas oo laba noqnaysa oo ah in laga daba  faa’ido iyo nuu bixiyo xuquuqda cashuurtaa ee ku baxaday, qolada jumladlayaasha oo hadeerto boqolkiiba sagaal iyo sagaashan cashuur kama qaadano liisana masiino oo liisan malaha.”

 Ugu danbaytiina waxa uu ka hadlay Cabdirisaaq Khliif wasiirka gaancsigu  balanqaadka labada wasaaradood ee hirggalinta marshuucan  “Waxan balan qaadaynaa insha allaahu tacaalaa aniga iy wasiirkuba waxii ka soo baxa halkaaa ninkii u hogaan sami waaya  waxay dadku barteen in sidaas walaqsiga ah wax layskaga wato, way fududahay ninka hogaansami waaya in aan u gudbino wasaarada maaliyada oo aanay u cashuurin waxii dakeda ka soo dagayay ama anagu kala noqono ruqsadiisii ka wasaarada ahaan.”

Wasiirka maaliyada ee Somaliland Eg.Maxamed Xaashi  oo dhankiisa isaguna hadal dheer ka jeediyay xafadaas ayaa ka waramay sida uu marshuucan u ahay muhiim islamarkaana uu dhaqaalaa wadanka wax wayn ugu soo kordhin karo iyo sida loogu baahan yahay in bulshawaynta Somaliland ay aqbasho cashuurta oo dalku uu ku dhisan yahay. Hadaladii wasiirkana waxa kamida

“Sidaad la socotaan dadkeena waxa aad ugu adag cashuur baxinta sidiisaba ilaa Ingiiskii dawlad ay necebyihiin  ayuunbaa horjoogtay oy canaadayeen marnaba laysma odhan tan waa tiiniiye aynu sidii kayara dabcino wali laysma odhan, sharciguna waxbuu toosiyaa. Markii aanu samaynayanay arintan 2003 waxaan uga jeeednay in aan cashuuruu ku dhex lumin ganacsatada, oo markaan leeyahay waxaan u jeedaa marka qofka dibada wax ka keenayaa uu wadanka wax keeno waxa uu ku iibin jiray dakada, waxa kalkaas la wareegi jiray jumladlaha, waxanu ka sii iibinyayay tafaariiq-layaasha. Kolka hore waxa halkaas kulmay ninkii wax soo dajinayay ayaa gaadhigiisii ku qadaya oo bakhaarkiisii gaynaya halkaasna cashuurtii ayaa ku luntay, kolkuu bakhaarkiisii dhigo isala markaana isaga ayaa sii tafaariiqaynaya oo ilaa koryoonii sii wato halkaasna waxa lumay cashuurkale, markaas halkaas waxuu ku lunsaday laba cashuurood, waxii la sii kala macaashayay ii la so kala shaqaysanayayna meeshuu ka baxay  oo bakhaarkii isagaa leh, gaadhigii isagaa leh,  oo koryoonii isagaa leh, kolkaa waxay isu soo ururtay in dad tobneeye qof ay ganacsigii gacnta ku qabtaan, inay tii meesha ka baxdo oo aanay cashuurina kudhex lumin ayay ahayd.”

Qorshahan ayaa ah mid u baahan awood dawladeed, maadaama oo uu dhawr goor oo hore ka dhaqaaqi waayay awoodda ganacsatada oo xanibtay.