Safaaradda Turkiga Ee Muqdisho Oo Uu Dab Xalay Qabsaday

1
523

Muqdisho(Geeska)-Safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxa xalay qabsaday dab u gaystay khasaare. Dabku wuxuu ka kacay dabaqa labaad ee dhismaha ay safaaradu degentahay.

Dhismaha safaaradda, waxa la arkayay dab iyo olol ka soo baxaya, waxaana xarunta islamarkiiba tagay gaadiidka damdamiska iyo ciidamo hubaysan, kuwaas oo ka qayb qaatay daminta dabkaas. Sidoo kale waxa goobta la sheegay inuu gaadhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xalay, lama shaacin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaas ka kacay safaaradda Turkiga iyo weliba sababta dabka dhalisay, waxase la sheegay inay baadhitaan ku jiraan saraakiisha safaaradda u qaabilsan ammaanka kuwaas oo baadhaya sababta keentay dabkaas.

Comments are closed.