Munaasibad Loo Sameeyay Arday Shalay Ka Qalin Jebisay Jaamacada Addis Ababa Medical

0
614

Picture1Hargeysa(Geeska)-Jaamacada Addis Ababa Medical University College qaybteeda Hargeysa,ayaa xaflad qalin jabin ah u qabtay dafcadii sadexaad ee jaamcadaas ka qalin jabisa oo ka kooban 107 arday.

Ardaydan qalinjabisay ee ka koobnayd 107 ayaa kala bartay Public Health iyo Clinical Nursing.Munaasibada loo qabtay ardayda qalin jabinaysa waxa ka soo qayb galay guddomiyaha golaha wakiilada,wasiiro,oday dhqameedyo,waalidiin iyo marti sharaf tiro badan.

Ugu horayntii waxa xafladaas qalinjabinta ah ka hadlay gudoomiyaha jaamacada Addis Ababa Medical University College  Habtamu Gebissa oo aad ugu nox nuxsaday hanbalyaynta ardaydan jaamcada ka qalinjabinaysay, isaga oo erayana ka yidhi jaamacada.

Agaasimaha tacliinta sare ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye   ayaa isaguna dhankiisa hanbalyeeyay ardayda“Marka hore halkan waxaanu uga mahad naqayaa ardayda qalin jabinaysa si aan ula qayb sado farxada intaasi ka dib waxaanu idiinka mahad naqayaa sida wanagasan ee aad waxa usoo barteen idinka iyo waalidkii idinku soo tabcay,mudanayaal waxa muuqata iyada oo ay joogaan madax badan oo kala socota wasaarada dalka,hadaanu nahay wasaarada waxbarashada aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqaynaa sida waansgan ee aad waxa usoo barteen iyo maamulka jaamacad oo aan iyana la ilaawi karin kaalinta ay ka soo qaateen sidii ay waxa idiin soo bari lahaayeen.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey“ waxaad tihiin xoogii dalka, waxaad tihii ubaxii wadanka oo aan marna laga maarmi karin sidaas awgeed maanta waxaanu idiin joognaa inaanu idin la dabaal dago xaflada sida wanaagsan ee aad waxa usoo barateen ka xukuumada ahaan iyo ka wasaarada ahaan anagu waxaanu diyaar unahay inaanu waxa kasta oo aanu idin la qaban karno ka xukuumada ahaan iyo ka wasaarada waxbarasho ahaann diyaar ayaanun unahay.”

Wasiirka caafimaadka Dr.Saleebaan Axmed Ciise (Xaglotoosiye) oo isna munaasibada ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey ardayda ka qalin jabinaysa jaamacada “Waxaan marka hore hanbalyo iyo bogaadin udirayaa dhamaan ardayda ka qalin jabisay jaamacada oo aan la qaybsan doon xaflada qalin jabinta,waxan walib si gaar ah ula qabsan doono shaqaalaha wasaarada caafimaadka oo iyana maanta ka qalin jabinaya jaamacadan, intaas markaan ka yimaado waxa u soo jeedinayaa dhamaan ardayda ka qaalin jabinaysa jaamacada inaad ka faa’iidaysataan wakhtiga oo aad aqoontiina intaas ka sii kordhisaan.”

Sida oo kale waxa isaguna  farxadan la qaybsaday ardaydan ka qalinjabinaysay jaamacada Addis Ababa Medical University College safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Takele Getoneh,isaga oo hanbalyada kadibana ku dheeraaday sida ay Itoobiya Somaliland ugala shaqayso dhanka horumarinta waxbarashada.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo ardaydaas ugu danbayntii shahaadooyinka gudoonsiiyay ayaa sheegay in uu hanbalyaynaayo ardayda oo uu ku tilmaamay kuwo ay Somaliland baahi u qabto marka laga eego dhanka caafimaadka,waxaanu intaas raaciyay in uu u soo jeedinaayo wasaarada caafimaadka inay ardaydaas la wareegto,waxaanu ugu danbaynta hanbalyo u diray ardayda waalidkood iyo cid kasta oo ardayda da’daal ku bixisay.