Safaaradda Maraykanka Ee Nayroobi Oo Geeska Afrika U Xaqiijisay Inaanu Jirin Dhambaal Canaan Ah Oo Ay Madaxweyne Siilaanyo U Soo Direen

0
652

 

Picture8Hargeysa (Geeska)- Xukuumada Maraykanka ayaa caddeysay inaanay waxba ka jirin warqad la sheegay inay u soo direen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo ay kaga dalbadeen inuu sharaxaad dheeraad ah ka siiyo cabudhinta adag ee  mudaharaadayaasha xilligii doorashooyinka.

 

Wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee lagu magacaabo “Indian Ocean Newsletter” ayaa warbixin ay dhawaan baahisay waxay ku sheegtay in Safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya  ay qoraal u soo dirtay Madaxweynaha Somaliland iyagoo kaga dalbanayay inuu faahfaahin ka bixiyo mudaharaadyadii dhawaan dhacay oo ay sheegeen inay xukuumadiisu cabudhisay islamarkaana awood ciidan kaga hortagtay. Sidoo kale wakaaladu waxay sheegtay inay Midowga Yurubna Maraykanka ku weheliyeen xog-doonkaas.

Hase yeeshe, Wargeyska Geeska Afrika, oo markii uu warkaas arkay xidhiidho kala duwan la sameeyay safaaradaha Maraykanka iyo Addis Ababa, ayaa soo xaqiijiyay inaanu warkaasi jirin. Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan bahda Geeska Afrika ayaa la xidhiidhay Sarkaalka safaaradda Maraykanka ee Nayrobi u qaabilsan arrimaha Somalida Mr. Omar Hanshi, kaas oo sheegay inaanay warkaas waxba ka jirin. “Waad ku mahadsan tahay dedaalka aad ku doonaysid helitaanka xaqiiqada warka. Waxaan jecelahay inaan kuu sheego inaanu jirin qoraal rasmi ah ama war saxaafadeed ku saabsan arrinkaas.” Ayuu yidhi sarkaalkan oo uu Geeska Afrika kula xidhiidhay E-mailka, waxaanu intaas raaciyay , “Markaa warkaasi waa mid been ah, isla markaana aan jirin.” Sidaas ayuu hadalkiisa qoraalka ku soo ururiyay sarkaalkani.