Madaxweyne Geele Iyo Haldoorka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aaska Jaamac Maxamuud Xayd

0
702

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiiro, siyaasiyiin, aqoonyahan, ganacsato iyo salaadiin reer Somaliland ah ayaa shalay si balaadhan uga qayb galay aaska loo sameeyay guddoomiyihii Baanka dhexe ee Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, oo shalay lagu aasay magaalada Djibouti ee wadanka Djibouti.

 

Marxuum Jaamac, oo habeen hore ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxa aaskiisa shalay Hargeysa uga ambobaxay xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin arrimaha dibada, madaxtooyada, maaliyadda, warfaafinta,  Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Marwo Edna Aden, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Dr. Axmed Xuseen Ciise, maayarka caasimadda Eng Yuusuf Warsame Siciid, xildhibaano kala duwan iyo dad kale oo tiro badan, kuwaas oo shalay gabal dhicii  ka qayb galay aaska loo sameeyay Marxuumka. Ka sokow weftiyada Somaliland ee ka tagay Hargeysa, waxa isna aaska ka qayb galay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, inta badan ee golihiisa xukuumadda, ganacsato iyo shacabka reer Djibouti.

Marxuumka waxa loogu duceeyay inuu Alle naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo umadda uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.