“Rayaale Iyo Madaxweyne Siilaanyo Waxaan Ku Kala Qiimayn Karaa Dahab Iyo Maar”

1
3924

 

kayseHargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Md. Axmed-Kayse Aadan Ismaaciil, oo sidoo kale ahaan jiray wasiir xigeenkii arrimaha gudaha ee xukuumadii Daahir Rayaale, ayaa ka  hadlay xaaaladda uu dalku marayo.

 

Axmed-kayse, oo waraysi gaar ah siiyay Hadhwanaag News, wuxuu dhaliilo u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Ugu horayntii waxaanu ku su’aali lahayn xoghaye  bal inaad ka waranto xaalkada guud ee dalka doorashdii kadib?

 Umadda reer Somaliland waxay ka warhayaan doorashdii dalka ka dhacday inay ahayd doorashadii ugu xumayad ee abid soo marta Somaliland, taas oo ay masuuliyadeeda leedayiin komishanka doorashooyinka iyo xukuumada, natiijadaas ka soo baxday doorashada ee la odhan karo xukuumadu waa ay boobtay codadkii dadka cadaymaheediina la heli karo, waxa arintaa ka dhashay mudaharaadyo  waxa ugu horeeyay mudaharaadkii ka dhacay Hargaysa xaafada Axmed Dhagax  waxaad arkayseen in xukuumadu ay ugu jawaabtay rasaas oo ay dad ku laysay, waxaad arkaysay in Boorame dadkii mudaharaadyay iyagana xabad loogu jawaabay iyada oo waliba farogalinta ay ku samaysay maayarka Saylac ay arinta mudaharaadkuna ka dhalatay, taas Saylac ka dhacaysa ee ciidamada malatarig ah loo dalbaday dadkan lagu laayay, aad ayaan ugu xunahay allena hawnaxariisto.”

Waxaad arkaysaa   inay xukuumadu ay tahay mid aan u tudhay dadkeeda iyo dalkeeda, tusaalena waxaad u arkaysaa waxaas dhacaaya ee ay ugu jawaabayso rasaasta, waxad arkaysaa xukuumad cabudhinaysa dadkeedii oo diiqadaynaysa, waxaad karayseen xukuumadani intii ay xukunka yimaadeen inay ku hayeen cago juglayn,xadhig, dil iyo hadidaadba saxaafada iyo xoriyatul qawlka.

Waxaad aad ogtahay midaamkii siyaad bare inaad arkaysay in dadkeena lagu xidh xidhi jiray waxaan sharciyada waafaqsanayan,waxaan xasuustaa shan iyo sideetankii aniga oo Burco imi dad lagu xidhaayo ku qosle kabtan kufay iyada oo lagu xidhaayo seexan waa,suge qaad iyo u riyaaqe dacaayad dawladeed xukuumadan haatan ka talisa Somaliland waad arkaysaa waxa ay dadka ku xidhayso, waxa boqol iyo dheeraad gaadhay oo markhaati leh in saxaafa lagu xidhaayay waxbuu ka qoray xukuumada, waxa jirta qaar lagu xidhaayo dhaliilbuu tilmaamay ama dadkuu nagu kacinayaa, madaxweyna ayuu wax ka sheegay ayaa madax dhaqameed lagu xidhaayay, rag ayaad arkayseen lagu xidhaayo wasiiro ayay wax ka sheegeen, wax badan ayaad arkaysaa oo ay u danbaysay taas maalintii dhawayd Hotel Maansoor ka dhacday ee ninka muwaadinka ah xoriyadiisa lagaga qaaday sifo sharciga ka baxsan.

Sideed u aragtaan in aan wax baadhitaano ah wali laga samayn rabshadii ka dhacay dalka guud ahaan oo ciidamadu ay ku toogteen dad shacab oo badan?

Arintaasu waxay ka dhigantahay eelka  kii shigay u ashkatootooy, xukuumadu iyadaa waxan ka danbaysay ee ayay u diraysaa inay baadho, maxaa loo waayay dadkii la’laayay askari loo qabto oo la yidhaahdo dadka ninkaas ayaa laayay, yaa baadhaaya masuuliyadii iyagaab lehe waxana iyagaa ka danbeeyay oo danbigan badh ku leh danbi ay badh ku leeyahiina baadhi maayaan, xukuumadu iyadaa masuuliyadaas leh ee waa in lagu dabo galaa oo lagala xisaabtamo dilkii,dhaawacii,jidh dilkii iyo waxii maal iyo mood dhacayba.

Wakhtii aad ka midka ahayd xisbigii Udub ee aad talada hayseen kulmiye oo mucaarad ahaa inaad dadka rasaas nool  u adeegsataan ayuu idinku eedayn jiray farqi intee leeg ayaa labadan arin u dhaxeeya?

Runtii anagu wakhtigaas aanu ahayn Udub Kulmiye waa uu naga af-dheereeyay oo wax badan oo wanaagsan oo aanu qabanay ayuu dhinac kale noogu rogay, waxaanu qabnay ayaanu sheegan kari weynay hadaanu Udub hayn, waxanu taageero badan ku luminay koradhkii aanu kordhsanay, Kulmiye wakhtigaas oo aan joogay wasaarada arimaha gudaha isaga iyo ururkii Qaran markaanu nidhaahno waar sharci u soo qata madaharaadka, waxay na odhan jireen xaqbaanu u leenahay dastuuriya oo u soo qaadan mayno oo waanu dhigaynaa,  waxa madaxwe hada ee Somaliland isaga oo markaas ahaa gudoomiyaha xisnbiga Kulmiye aad warbaahinta ka yidhi dadkiibaa rasaa la’la dhacayaa,cidii hadashana waa la xidhayaa oo uu dadka leeyahay dagaalama  oo kaca ayaad arkaysay oo diiwanka ku jirta taariikhu been ma qoraysee, agiina iyagu waa ay na baro dhaafiyeen, manay jirin markayagii doorasho laysku dilay ee waxay ahayd banaan baxaas aanu lahayn sharciga u soo qaata iyaguna ay diidanaayeen.

Rabshado ayaa dhawaan ka dhacay Saylac oo wali xukuumadu kamay hadal, sidoo kale rabshadii hore ee dalka ka dhacayna xukuumada gaabis ayaa laga dareemyay  arimahaas maxaad ku macnayn kartaan?

Nimankan dalka iyo dalka dan kama laha ee arinkoodu waa ka shaqaysta oo ka xoogsada  oo dhaale ka samaysta, maalin dhawayd waar arkayseen Markayanka iskuulba nin la galay hub oo macaliin iyo arday ku laayay madaxweynhoodii ayaa u yimi, madaxweynaheenu inuu tago meesha tabshadu ka dhacday iska daaye kama hadlo mana tacsiyadeeyo, markaa waxa weeye danbaan laga lahayn dalka iyo dadka, waxa kale oo jira aqoon daro meesha way ku jirtaa oo dawladanimad ama fahansana, kala danbayna ma jirto, laakiin waxaan u qabaa inay kas u samaynayaan arimaha dhacaaya.

Anagu waxaanu arkaynaa in tareenku uu wadada ka baxay, inay nabad galyadii Somaliland sii burburayso ayaanu arkaynaa, waxaana burburinaysa xukuumadan tamarta iyo taagta daran ee xasarad badan ee dalka ka abuuraysa xasilooni darada iyo xaalada  iyada oo aan itaal hayna dadka daan daansanaysa.

Hogaaminta madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo madaxweynahii hore Daahir Riyaale bal isku kaaya barbar dhig?

Runii waxa laga yaaba in dadka qaakii aanay jeclaysan, markaad tidhaahdo habal baa hebel ka fiicnaa,waxay iksu yahiin dahab iyo maar, madaxweynaha Somaliland ee hada talada haya waxaad arkaysaa intuu talada hayay xukuumadiisu khaladaadka siyaasiga ah ee ay gashay, waxaad arkaysaa dagaalkii Kalshaale ee ay ina galiyeen oo ay ku wiiqeen midnimadii,qabiilkiibay huriyeen,cadaalad xumay baahsan ayay keeneen,beelo iyo qabyaalad ayay ina dhex galiyeen, sadbursi iyo sixir barar ayay keeneen midnimadii Somaliland ee madaxweynii hore uu dalka ku wareejiyay waxba kama jiraan oo dadkii waa kuwaas is nacay, cadaalad daradii bolaqkiiba sideetan ayay noqotay, madaxweynii hore ee Somaliland cadaalad daro,sadbursi iyo qabiil toona lagagama cabanayan, musuqa barigaas ay ku sheegayeena waa laga af-miishaarsanaa musuqna maanta ayuu ka badan yahay, isku hogaamin maaha, Daahir Riyaale waa la ogaa oo Laasacaanood buu qabtay, ciidankii qaranka oo aan inoo dhisnayan ayuu inoo dhisay, afar doorasho ah ayuu inoo qabtay, magaca Somaliland ayuu meel walba gaadhsiiyay, anigu waxaan ku qiimaynaa inay dahab iyo maar kala yahiin oo ay kala tageen.

Comments are closed.